4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Qabshada wajigii 2-aad ee shirkii dib u hishiisiinta oo Kismaayo ka socda

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa laga dareemaya qabanqaabo loogu jiro qabsoomidda wejigii labaad ee shirkii dib u heshiisiinta Jubooyinka, kaasoo la filayo in ay kasoo qeybgalaan dhamaan beelaha dega Jubooyinka.

Madaxweeynaha maamulka Jubba Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa dhawaan magacaabay gudiga qabanqaabada shirka, iyadoona gudoomiyaha gudigaasi laga dhigay Siyaasi Cabdi Baaleey Xuseen.

Siyaasi Cabdi Baaleey oo shabakadda HOL ay wax ka waydiisay arimaha shirka ayaa sheegay in ay soconeeyso qabanqaabada, wuxuuna ka cudurdaartay in uu faahfaahin ka bixiyay shirka, isagoo sheegay in saxaafadda ay dib kala hadli doonaan.

Gudigan ayaa wado shirar gooni-gooni ah oo ay la qaadanayaan qeybaha kala duwan ee bulshada degmada Kismaayo, kuwaasoo ay ka dhageysanayaan talooyinkooda ku aadan habka ay la tahay in uu u dhaco shirka.

Heshiiskii magaalada Adisababa ee dalka Itoobiya ay ku kala saxiixdeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Jubba ayaa qodobadiisa waxaa kamid ahaa in shirar dib u heshiisiineed lagu qabto magaalooyinka Muqdisho iyo Kismaayo.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya