4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Jaamacada Banaadir oo furtay dugsiga caafimaadka bulshada (Sawirro)


Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Waxaa magaalada Muqdisho laga furay shalay oo Sabti ahayd dugsiga taqasusiga ah ee caafimaadka bulshada oo furitaankiisa ay iska kaashadeen Jaamacadda Banaadir iyo Jaamacada Makerere ee dalka Uganda oo labaduba ka mid ah Jaamacadaha ugu waaweyn geeska Afrika.

Munaasabad lagu furayay iskuulkan ayaa lagu qabtay Muqdisho taasoo ay ka qayb-galeen madaxda ardayda, macalimiinta Jaamacada Banaadir, dhakhaatiir iyo marti sharaf kale oo lagu casuumay.

Waxaa lagu soo bandhigay munasabada manhajka loogu talo-galay in ardayda dhigata iskuulka wax laga baro muddo laba sano ah ee ay ku jiraan, waxayna sheegeen macalimiintii halkaas ka jeedinayey hadallada inuu yahay mid sarreeya oo la jaanqaadaya manhajyada caalamiga ah.

Prof. Cismaan Xaaji Maxamuud (Dufle) oo ka mid ah asaasayaasha Jaaamacada Banaadir iyo mas’uuliyiinteeda, dhinaca kalena ka mid ah xildhibaannada Somalia oo munasabaddaas ka hadlay ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay furitaanka dugsigan.

“Waxaan maanta ka imid Uganda oo aan uga soo qayb-galay shir, xalay waxaan wada casheynay madaxda iyo macallimiinta Jaamacadda Makarere qaarkood, dhamaantoodna waxay ku farax-sanaayeen hambalyana u soo direen furitaanka iskuulkan,” ayuu yiri Prof. Dufle.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Sidoo kale, wuxuu sheegay in tallaabada lagu furay dugsiga caafimaadka bulshada ay tahay mid muddo dheer dadaalkeeda uu soo socday juhdi badana la geliyay; taasoo uu sheegay in ugu dambeyn lagu guuleystay, isagoo u mahad-celiyay maamulka sare ee Jaamacada Banaadir oo dadaal badan ku bixiyay hir-gelinta arrintan sida uu yiri.

“Dugsiga waa kii labaad oo ay furto jaamacadda Banaadir, iyadoo sannad ka hor hirglisay dugsiga taqasusiga qaliinka oo ay naga caawiyeen walaalaheen Turkiga, kuliyadaha kalena waxaana socda dadaallo loogu sameynayo dugsiyada taqasusiga ah,” ayuu intaa ku daray Prof. Dufle oo u mahad-celiyey Jaamacada Makarere ee dalka Uganda oo gacan ka geysaneysa duruusta ku baxeysa iskuulka.

Waxaa sidoo kale ka hadlay munaasabaddaas gudoomiyaha Jaamacada Banaadir, Dr. C/risaaq Axmed Dalmar oo sheegay in furitaanka dugsigan aysan si sahal ah ku iman balse la geliyay waqti maskax iyo dhaqaale, isagoo xusay in furitaanka dugsigan ay la kaashadeen Jaamacada Makarere ee dalka Uganda, lana diyaariyay xaruntii dugsiga macallimiin iyo wax kasta lagama maarmaan u ah iskuulkan.

“Waxaan ugu bishaareynayaa ardayda wax ka baran doonta dugsiga caafimaadka bulshada inay heli doonaan marka ay dhameystaan shahaado ay si wadajir ah u bixinayaan Jaamacadaha Makerere iyo Banaadir, annagoo weliba codsanayna in Makerere ay mid gaar ah bixiyaan annagana mid gaar ah si ardayga u helo saddex shahado oo master Public ah,” ayuu yiri guddoomiyaha.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu Dr. Dalmar sheegay in barashada caafimaadka bulshada ay tahay mid baahi weyn looga qabo dalalka Afrika, isagoo intaas raaciyay in dhakhaatiirta ku taqaqustay ay ka-wax-qabad iyo saameyn badan yihiin kuwa kale ee caadiga ah, wuxuuna tilmaamay in caafimadka bulshada uu yahay halka ay iska galaan dhaqaatiirta iyo bahda kale ee caafimaadka.

“Waxaan ugu baaqayaa dadka inay ka faa’iideystaan fursadan oo runtii faa’iido badan u leh bulshada, waan soo bartay aniga runtii wuxuu ii furay indhaha, duruusta dugsigan waxay bixi doontaa labada maalin ee todobaadka u dambeeysa Khamiista iyo Jimcaha, waxaana jiri doona seminarro gaagaaban oo lagu tegi doono Jaamacada Makerere iyo meelo kale lacagta yar ee laga qaado faa’iido ka badan ayaad ku heleysaa,” ayuu yiri Dr. Dalmar oo ku dheeraaday ka hadalka arrintan.

Guddoomiyaha mu’asasadda Jaamacada Banaadir, Dr. Cabdullaahi Sheekh Xuseen (Bushkuleeti) oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in jaamacada Banaadir ay u tahay maalin weyn oo la hirgeliyay waxay muddo ku taameysay oo ah iskuulka taqasuska caafimaadka ee Jaamacadda, wuxuuna faallo dheer ka bixiyey faa’iidooyinka taqasuska caafimadka bulshada.

Ugu dambeyn, waxaa munaasabadda ka hadlay diiwaan hayaha gud ee Jaamacada Banaadir, Ismaaciil oo soo bandhigay shuruudaha laga rabo ardayga doonaya inuu ku soo biro iskuulka taqasuska caafimadka bulshada ee Jaamacada Banaadir.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya