4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Mar 16, 2014
Maydka Marxuum Maxamed Suleymaan oo saaka la keenayo Muqdisho

Axad, Maarso 16, 2014 (HOL) — Maydka marxuum Maxamed Suleymaan Tubeec oo toddobaadkii hore ku geeriyooday isbitaal ku yaalla dalka Jarmalka ayaa laga soo dajinayaa maanta garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde, halkasoo ay ku sii qulqulayaan garoonka mas’uuliyiin iyo dadweyne fara badan.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow ayaa ka mid ah mas’uuliyiinta gaaray garoonka diyaaradaha Muqdisho, iyadoo gudaha garoonka lagula tukan doono maydka marxuumka.

Inkastoo maydka boqorkii codka Maxamed Suleymaan Tubeec la keenayo Muqdisho ayaa waxaa haddana uu muran ka taagan yahay halka lagu aasi doono, iyadoo ay wararka qaarkood sheegayaan in maydkiisa loogu dubinayo magaalada Hargeysa, halka kuwo kalena ay sheegayaan in lagu aasayo Muqdisho.

Maamulka Somaliland ayaa maalin ka hor ku dhawaaqay guddi ka shaqeynaya sidii aas Qaran loogu sameyn lahaa marxuum Maxamed Suleymaan, iyadoo sidoo kale ay Hibo Nuura oo Muqdisho ku sugan ay sheegtay in marxuumka Muqdisho lagu aasayo.

Si kastaba ha ahaatee waxaa haatan kulan ka leh halka lagu aasayo marxuumka mas’uuliyiin ka tirsan dowladda Soomaaliya, iyadoo aan la ogeyn inay inay go’aamin doonaan in Muqdisho lagu aaso iyo in loo dhoofiyo Hargeysa janaasada kaddib.

Maxamed Suleymaan ayaa wuxuu ka mid ahaa fannaaniinta loogu jecel yahay codkooda, waxaana uu qaaday heeso badan oo isugu jiray, jacayl, guubaano, waddani iyo kuwo kale oo ammaan ahaa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya