4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Shacabka Buula-burte oo taageero u muujinaya ciidamada (SAWIRRO)


Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Shacabka ku dhaqan degmada Buula-bure oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan kuwa AMISOM ayaa xiligan u muuqda kuwo taageero u muujinaya xoogagga is garabsanaya ee la wareegan gacan ku heynta degmada.

Gaar ahaan dhalinyarrada ku dhaqan degmada ayaa la arkayay iyagoo sita calanka Somalia iyo Jabuuti oo taagan hareeraha wadad dheer ee dhaxmarta degmada, taasoo muujineysa sida ay ugu faraxsan yihiin joogitaan ka ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM.

Dhinaca kale, guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo iyo saraakiisha Jabuuti ayaa saacadihii ugu dambeeyay kusoo wareegay degmada Buulo-burte, iyagoo tagay goobo ay ka mid yihiin xarumaha ciidamadu ay ka sameysteen degmadaas.

Degmada Buula-burte wax ka badan lix sanno waxaa maamulayay xoogagga xarrakada Al-shabaab oo ugu danbeyntii ay kala wareegeen ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa Jabuuti ee qeynta ka ah AMISOM, waxaana muuqata in mas'uuliyiinta maamulka ku dadaalayaan sidii ay dib nolashii degmada ugu soo celin lahaayeen, iyaga oo ugu baaqay dadka barakacay in guryahooda ku soo noqdaan lana furo goobaha ganacsiga.








C/raxmaan diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya