4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Maraykanka iyo Ruushka oo aad isugu khilaafsan xaaladda Ukraine

Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Kulan socday muddo lix saacadood ah oo ay yeesheen xog-hayaha arimaha dibadda Maraykanka John Kerry iyo wasiirka arimaha dibadda Ruushka Sergio Lavrov ayaa la sheegay inuu kusoo dhamaaday natiijo la'aan.

Labada masuul ayaa in badan ka wada hadlay xaaladda cakiran ee dalka Ukrine ,waxaana dowladda Maraykanka ay ka soo horjeeddaa qorshaha Ruushka uu ka damacsanyahay gobolka Crimea oo ah halka muranka dhalisay.

“Dowladaha Ruushka iyo Maraykanka marna isku aragti kama noqon karaan arinta Ukraine, iyadoo aan wax xal ah la gaarin," ayuu yiri Lavrov oo ka hadlayay kulankii dhex maray isaga iyo Kerry oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska.

Waxa kaloo uu sheegay in ruushku uu ixtiraamayo rabitaanka dadka ku nool gobolka Cramea ,waxaana lagu wadaa maalinta bari ah in la qaado afti gobolkaas uu kaga go'ayo qaybaha kale ee Ukraine, taasoo ay qaadaceen Maraykanka iyo xulufadiisa.

“Maraykana ma aqoonsan doono natiijada ka soo baxda aftidaas, waana mid jabinaysa sharciga dalka Ukriane"ayuu isna yiri Kerry oo aan faah-faahin dheeri ah ka bixin waxyaabaha la isku maan-dhaafsanyihiin.

Khilaafkan ayaa laga yaaba in uuu sii xoogaysto hadii aftidan ay dhacdo ,waxaana dowladda Ruushka ay ku doodaysaa in dadka dagan gobolkaas ay asal ahaan Rashiyaan yihiin ,isla markaana ay xaq u leeyihiin in ay kamid noqdaan dowladda  Ruushka.

Faysal Moahemed Hassan
[email protected]