4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Gudoomiye Laqanyo oo faahfaahin ka bixiyay Xaaladda Buula-burte

Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo HOL la hadllay isaga oo ku sugan degmada Buula-burte oo maalin ka hor ay la wareegeen ciidamada maamulka gobolka iyo kuwa Jabuuti ee qeybta ka ah howlgalka midowgga Afrika AMISOM ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay xaalada degmada.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in markii ay la wareegeen gacan ku heynta degmada Buula-burte ciidamada bilaabeen howlgal ay ku xaqiijinayaan nabad-galyada, dhinaca kalana lagu baarayo sida uu hadalka u dhigay walxaha qaraxa oo ay magaalada uga tageen Al-shabaab, isaga oo sheegay in ay qarxiyeen tiro miinada meelaha fog fog laga hago ah oo ku aasnaa qeybo kala duwan oo degmada ah.

Sidoo kale, waxaa uu sheegay in ay la wareegeen xarumo ay u adeegsan jireen Al-shabaab diyaarinta walxaha qarxa ee loo adeegsado weerarada ismiidaaminta ah oo ay ka soo qabteen agab kala duwan oo ah kuwa laga sameeyo qarxyada.

''Waa magaalo runtii marka aad eegto u eg goob militari oo aan wax shacab ah ku nooleyn, meel kasta waxaad ku arkeysaa miino ku aasay iyo walxaha qaraxyada laga farsameeyo, waa arrin qatar ku ah ammiga dadka shacabka ah, ciidamada wali waxaa ay ku howlan yihiin siddii uga hortagi lahaayeen dhibaatada arrintan ka dhalan-karta' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Waxaa kaloo uu faah faahin ka  bixiyay guddoomiyaha kulan degmada uu kula yeeshay qeybaha bulshada, isaga oo sheegay in ay ka wada hadlleen siddii loo wada shaqeyn lahaa gacanna loo siin lahaa ciidamada nabad-galyada.

''Waa bulsho si kasta loo dhibaateeyay oo cabsidu ku weyn tahay, waxaan u sheegnay in nolashooda si caadi  ah u wataan, la shaqeeyaan ciidamada nabad-galyada, u tilmaamaan kuwa nabada carqaladeynaya, u sheegaan meelaha ay ku dhuumaaleysanayaan, aad ayeey noo soo dhaweeyeen runtii, gaar ahaan dhalinyarrada waxaan u sheegnay in ay dib u bilaabaan cayaarihii iyo Isboortigii laga mamnuucay degmada,'' ayuu sheegay guddoomiyaha gobolka.

Waxaa uu ugu baaqay dadka shacabka ah ee ka barakacay degmada inay dib guryahooda ugu soo laabtaan, dibna u furtaan goobahooda ganacsi, isaga oo ka digay in aan la arki karin goob ganacsi oo xiran.

''Magaalada Buula-burte maanta marka aad eegto waa ay ka liidataa 1991-kii, dadka waxaa loo diiday wax kasta oo nolasha aas-aas u ahaa, dadka runtii daruuf iyo dhibaato ayaa wajihadooda ka wada muuqata, waxaan leenahay kuwa ka barakacay degmada dib guryihiina ugu soo laabta, nolashiinii dib u soo celiya,'' ayuu yiri Cabdi Faarax Laqanyo.

Marka laga soo tago howlgalka militari waxaa uu sheegay in ay ka fikirayaan sidii gargaar deg deg ah loo soo gaarsiin lahaa dadka ku dhaqan degmada, isaga oo ugu baaqay hay'addaha samafalka in ay kaalmo la soo gaaraan dadka ku dhaqan degmada iyo deegaannada hoos taga.

''Qorshaha guud ee dowladda ayaa ah in degmo kasta iyo tuulo kasta oo la qabto la gaarsiiyo dadku ku dhaqan gargaarka ay u baahan yihiin, sidaa daraadeed waxaan ugu baaqeynaa hay'addaha samafalka kaalmo la soo gaaraan dadka dhibaateysan,'' ayuu yiri guddoomiyaha.

Taalabad xigta degmada Buula-burte ayuu sheegay in ay uga sii dhaqaaqayaan degmooyinka Jalalaqsi iyo Maxaas oo ay hadda gacanta ku hayaan xarrakada Al-shabaab, laakiin waxaa uu sheegay in maalmaha soo socda xaqiijinayaan nabad-galyada degmada.

Wararka ka imanaya degmada Buula-burte ayaa sheegaya in xalay xoogagga xarrakada Al-shabaab weerar ku qaadeen fariisimo ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM ku lahaayeen daafaha degmada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 Beledweyne, Soomaaliya