4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Dagaallo xalay ka dhacay degmooyinka & Buulo-burte Buur-dhuubo

Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Dagaallo khasaare sababay ayaa xalay siyaabo kala duwan uga dhacay degmooyinka Buurdhuubo iyo Buulo-burte oo ka kala tirsan gobollada Gedo iyo Hiiraan, kuwaasoo ka mid ah deegaanno dhawaan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay kala wareegeen Al-shabaab.

Inta la ogyahay dagaalladaas waxaa ku dhintay sagaal qof oo dhinacyadii dagaalku u dhexeeyay ka mid ah, iyadoo dhaawucyadana lagu sheegay in ka badan 15-qof oo isugu jira Al-shabaab iyo ciidamada huwanta ah.

Al-shabaab ayaa weerartay degmada Buulo-burte oo maalin ka hor laga qabsaday, iyagoo madafiic ku garaacay saldhigga degmada oo ay ku sugnaayeen ciidamada huwanta ah ee kala wareeegay degmadaas.

Dagaalka ayaa socday muddo saacado ah, iyadoo markii dambe Al-shabaab laga saaray degmada, iyadoo dadka degmada haatan ku sugan ay hadal hayaan weerarkii xalay ayna baqdin ka qabaan inay dhacaan weerarro kale oo la mid ah.

Sidoo kale, xoogagga Al-shabaab ayaa xalay weeraray fariisimo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ay ku leeyihiin degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo, iyadoo halkaas uu ka dhacay dagaal muddo saacado ah socday.

Xaaladda degmada Buur-dhuubo ayaa saakay deggen, iyadoo xoogaggii Al-shabaab ee weerarka ku qaaday ay dib uga laabteen goobihii ay kasoo duuleen, ayna haatan degmada ku sugan yihiin ciidamadii horay uga qabsaday Al-shabaab.

Dowladda Soomaaliya iyo taliska AMISOM weli kama warbixin weerarradii xalay lagu qaaday eegmooyinka Buulo-burte iyo Buurdhuubo oo maalmo ka hor ay kala wareegeen Al-shabaab.

Al-shabaab oo iyadu si kooban uga hadashay weerarradaas ayaa sheegtay inay ahaayeen kuwo qorsheysan oo ay ku beegsatay ciidamadii kala wareegay labada degmo ee Buulo-burte iyo Buurdhuubo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya