4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
PAKISTAN: gabar is gubtay kaddib markii la sii daayey kuwii kufsaday

Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) — Gabar dhallinyaro ahayd una dhalatay dalka Pakistan ayaa u geeriyootey gelinkii dambe ee shalay dhaawac kasoo gaaray dab ay is qabadsiisay, kaddib markii ay maxkamadi sii deysey afar nin oo ku eedeysnaa inay kufsi-wadareed u geysteen.

Inanta is gubtey oo lagu magacaabi jirey Amiinah Biibi da'deeduna ay 18jir ahayd, waxay isku hor gubtay saldhig boolis oo ku yaalla magaalada Muzaffargarh oo ka tirsan Punjabka dalka Pakistan.

Waalidka gabadha ayaa booliska u gudbiyey dacwacd ka dhan afar nin oo dhallinyaro ah, oo Amiinah Biibi ay sheegtay inay fara xumeeyeen bishii Janaayo ee lasoo dhaafay, xilli ay kusii jeedey Jaamacadda.

Maxkamadda Muzaffargarh ayaa Khamiistii amartay in lasii daayo afarta nin ee eedeysaneyaasha ah, kaddib markii wax cadeyn ah lagu waayey booliskuna ay soo gudbiyeen waxbixin sheegaysa in gabadha laga waayey calaamado muujinaya in la kufsaday.

Arrintan ayaa muran iyo xiisad weyn ka dhalisay guud ahaan dalka Pakistan, waxaana Ururka Xuquuqul Insaanka ee Pakistan -oo ah urur madax bannaani- uu ku tilmaamay in falkani uu yahay mid muujinaya cadaalad darrada dhacday iyo sida inanta is gubtay ay u garowsanayd in xaqeedii la duudsiyey.

Maxkamadda Sare ee Pakistan ayaa looga yeeray mas'uuliyiinta maamulka gobolka Punjab iyo saraakiisha booliska ee Muzaffargarh, si ay uga jawaabaan su'aalo la xiriira kiiska ay dartiisa Amiinah Bibi isu gubtey iyo weliba sababta eedeysaneyaasha wax dembi ah loogu waayey.

Sannadkii 2011 ayey ahayd markii sidan oo kale ay Maxkamadda Sare ee Pakistan u cafisay shan nin oo maxkamadda hoose ay xukun ku riddey, kaddib markii lagu helay dembi ahaa inay kufsi-wadareed geysteen.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya