4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Sabti, Mar 15, 2014
Maraykanka oo malaayiin doollar ku raadinaya saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab

Sabti, Maarso 15, 2014 (HOL) —Dowladda Maraykanka ayaa malaayiin doollar u ballan qaaday ciddii gacan ka geysata soo qabashada ama sidii loo xukumi lahaa saddex sarkaal oo ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Maraykanka ayaa lagu sheegay, in saddexda sarkaal midkiiba lagu raadinayo lacag dhan 3milyan oo doolar. Magacyadooda waxaa qoraalka ku xusan inay kala yihiin: Maxamed C/qaadir Cikrama, Yaasiin Kilwe iyo sarkaalka saddexaad oo magaciisa lagu soo koobay Jacfar.

Maxamed C/qaadir Cikrama ayaa la sheegay in shaqadiisu ay tahay qorista dagaal-yahannada cusub ee Kenyanka ah ee doonaya inay kusoo biiraan Al-shabaab, Jacfar oo magaciisa xarakiga ahi uu yahay Cammaar ayaa isagana la sheegay inuu ku-xigeen u yahay Maxamed C/qaadir Cikrama, qofka saddexaad oo ah Yaasiin Kilwe, waxaa warbixinta ku xusan inuu yahay madaxa Al-shabaab ee deegaannada Puntland, xilkaasna uu si rasmi ah ugu magacaabay hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab Sh. Mukhtaar Abu-zubeyr.

Ma ahan markii ugu horreysey ee ay Dowladda Maraykanku madaxooda lacag dul dhigto saraakiil ka tirsan hoggaanka Al-shabaab, haseyeeshee bishii July ee sannadkii 2012 ayey ahayd markii ugu horreysey ee Maraykanku uu lacago u ballan qaado ciddii keenta xog sahelysa in lasoo qabto saraakiil sare oo ka tirsan Al-shabaab.

Lacag wadar ahaan dhan 33 milyan oo doolar ayuu Maraykanku xilligaas sheegay inuu ku bixin doono soo qabashada saraakiil 7 ahaa oo hoggaamiyaha sare ee Al-shabaab Sh. Mukhtaar Abu-Zubeyr uu kamid yahay.

Bishii March ee sannadkii hore ayuu sidoo kale Maraykanku lacag dhan 10 milyan oo doolar wuxuu u ballan qaaday inuu siin doono ciddii gacan ka geysata soo qabashada labo sarkaal oo haysta dhalashada dalka Maraykanka muddo dheerna ka tirsanaa Al-shabaab, labadaas nin ayaa kala ahaa Cumar Shafiiq Hammaami oo la diley bishii September ee isla sannadkii hore iyo Jihaad Serwan Mustafa.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya