4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Taliyaha Booliiska Somalia oo Maanta gaaray Gaalkacyo (SAWIRRO)


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Jen. C/xakiin Daahir Siciid (Saacid) iyo wafdi uu horkacayo ayaa maanta gaaray magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug, iyadoo garoonka diyaaradaha ee C/llaahi Yuusuf ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka kala tirsan maamullada Puntland iyo Galmudug.

Wafdigan oo kasoo kicitamay Muqdisho ayaa markii ay soo Gaalkacyo waxaa si wadajir ah ula hadlay warbaahinta taliyaha iyo mas’uuliyiinta labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, waxaana ugu horreyn soo dhaweynta wafdiga ka hadlay guddoomiye ku xigeenka degmada Gaalkacyo, Cabdi Cismaan Faarax.

Guddoomiyaha gobolka Mudug, Maxamed Yuusuf Jaamac ayaa soo dhaweyn ka sakow wuxuu ciidanka qalabka sida ee Soomaaliyeed ku bogaadiyay hawlgallada iyo guulaha ciidanka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM ay ka gaareen dagaallada maalmahan ay Al-shabaab kula galeen qaybo ka mida Koonfurta Soomaaliya.

''Waxaan bogaadinayaa guulaha ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ay ka gaareen dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, halkanna waxay ka mid tahay deegaannada lagula dagaalamo kooxdaas,'' ayuu yiri gdudoomiyaha.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Taliyaha qaybta booliiska gobolka Mudug ee dhanka Galmudug, Maxamed Nuur Cali (Gadaar) oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in saraakiisha Galmudug ay ku faraxsan yihiin in maanta Gaalkacyo ay kusoo dhaweeyaan taliyaha guud ee ciidamada booliiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliya Jen, C/xakiin Saacid oo isna la hadlay warbaahinta ayaa tilmaamay in deegaannadan ay u yimaadeen sidii ay tababbaro ugu furi lahaayeen ciidamada booliiska ee Puntland iyo Galmudug.

Jen. C/xakiin Saacid ayaa carrabka ku dhuftay in wada-shaqayn wanaagsan ay ka dhaxayso maamulada Puntland iyo Galmudug, isagoo ku boorriyay inay howshooda halkaas kasii wdaan.

''Waxaan labada maamul ee Puntland iyo Galmudug uga mahad-celinayaa sida ay isugu celiyaan maxaabiista ayna ula dagaalamaan kooxaha amniga xumeysnaysa,” ayuu si kooban u yiri Jen. Saacid.

Wafdiga taliyaha ayaa nasasho waqti kooban ah kaddib waxay u gudbeen magaalo madaxda Puntland ee Garoowe, iyadoo aan si dhab ah loo ogeyn ujeedka rasmiga ah ee saraakiishan ciidan ay u aadeen Garoowe.

Si kastaba ha ahaatee, waa markii ugu horreysay oo taliyaha ciidamada booliiska Soomaaliya uu soo gaaro gobolka Mudug oo ay kala maamulaan Galmudug iyo Puntland.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya