4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Majaajiliiste Cali Hiiraan oo Muqdisho ku Geeriyooday lana Aasay


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Allah u naxariistee majaajiliistihii Soomaaliyeed, Cali Cali Xasan Aadan oo loo yaqaannay (Cali Hiiraan) ayaa maanta ku geeriyooday magaalada Muqdisho, waxaana isla maanta lagu aasay qubuuraha Barakaat oo ku yaalla degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Marxuum Cali Hiiraan ayaa xilliyadii dambaa xanuunsanaa, isagoo ifka uga tagay shan cunug oo isugu jiray laba wiil iyo laba gabdhood, iyadoo caruurtan ay horay u geeriyootay hooyadood.

Cali Hiiraan ayaa si weyn loogu bartay majaajillada maqalka iyo muuqaalka ah oo laga sii dayn jiray idaacadaha iyo telefishinnada afka Soomaaliga ah ku hadla oo uu ka mid yahay Universal.

“Walaalkeen Allaha u naxariisto, wuxuu ahaa majaajiliiste laga yaqaan gudaha dalka iyo dibaddiisa, kamana go’i doono qalbigeenna,” ayuu yiri abwaan Maki Xaaji Banaadir oo warbaahinta Muqdisho la hadlay.

Abwaanka ayaa wuxuu inta badan ruwaayadaha goos-gooska ah la sameyn jiray, majaajiliistihii geeriyooday ee Marshaal oo kooxo hubeysan ay ku dileen sannad ka hor magaalada Muqdisho.

Geerida marxuumka ayaa waxaa ka tacsiyeeyay fannaaniin, suxufiyiin iyo qaybaha bulshada Soomaaliyeed. Isagoo xilliyadii u dambeeyay ka tirsanaa wariyeyaasha ka howlgala telefishinka Universal.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya