4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Siilaanyo oo Salaaddii Jimce kula tukaday shacabka Majidka Berbera


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Max'ud Siilaanyo, ayaa maanta salaadii jimce kula tukaday dadweynaha magaaladda Berbera masjidka ku yaala badhtamaha magaaladdaasi.

Madaxweynaha oo safar shaqo ku maraya goboladda Somaliland, ayaa habeen hore soo gaadhay magaaladda Berbera, isla markaana masjidka Khaalid-Binu Waliid kula tukaday dadweynaha, kuwaas oo markii salaadda laga soo baxay ku soo ururay, isla markaana soo buux dhaafiyey agagaarka masjidka.

Madaxwyne Siilaanyo waxa masjidka ku wehelinayey masuuliyiinta Gobolka heer degmo iyo Heer gobolba, sidoo kale waxa madaxweynaha salaada ku wehelinaayey xubno ka mida Golaha wasiirada ee Madaxweynaha la socday, iyadoo la filayo in madaxweynuhu usii gudbo goboladda bariga Somaliland.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Si kastaba ha ahaatee, madaxweynaha ayaa goboladda uu soo maray ka xogwaraysanayey xaaladda nololeed ee jirta, waxaanu inta badan u balanqaadayey inuu waxqabad la taaban karo ka fulin doono degmooyinkaasi uu soo maray.

Dhinaca kale, waxa uu madaxweynuhu soo dhagax dhigay dekadda Lughaya, isagoo u balanqaaday inuu qaybka qaadan doono dib u samaynta dekadaasi oo baryahan dambe dadweynaha deegaankaasi doonayeen inay furaan dekadda lughaya, taas oo dadweynuhu aad usoo dhoweeyeen.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland