4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Qaramada Midoobay oo Saartay Liiska Dalalka Carruurta Askareeya


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa billaabay olole ballaaran oo looga hortagayo askaraynta caruurta da'doodu ay yartahay ,isla markaana inta badan loo isticmaalo ka qayb-qaadashada colaadaha sokeeye ee xilliyada qaar ka dhaca meelo ka mid ah adduunka.

Qorshahan waxaa saxiixay sideed dowladood oo ku jira golaha amniga si mustaqbalka dhow hoos loogu dhigo adeegsigooda ,waxaana warbixin ka soo baxday UN-ka lagu xusay in arintan ay khatar weyn ku tahay xaquuqda caruurta .

Wakiilka  gaarka ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan ka hortagga askaraynta caruurta Laila Zerrougui ayaa dhaleecaysay kooxo iyo dowlado gaar ah oo la sheegay in caruurta ay u adeegsadan hurinta colaadaha ka jira meelo kamid ah Afrika .

"Laba dowladood oo kaliya ayaan saxiixin qorshaha arintan looga soo horjeedo ,waana filaynaa in dhawaan heshiiskaas ay qayb ka noqdaan "ayey tiri Laila oo tilmaamtay in Yemen iyo Sudan dhawaan lagu qancin doono sidii ay u saxiixi lahaayeen.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay inay jiraan 55 dowladood oo adduunka ku yaalla, kuwaasoo caruurta askareeya ,waxaana kaalmaha hore ku jira wadamada Soomaaliya, Afgaanistaan, Yemen, Congo, Chad iyo waliba Burma.

"Ma jirto dowlad adduunkan ka tirsan oo sheegan karta awoodda ah in caruurta ay askrayn karto ama dagaal galin karta "ayey mar kale tiri Laila oo xustay in ay jiraan siyaabo kale oo badan oo caruurta loo dhibaateeyo.

Ugu danbayntii caruur gaaraysa 250,00o ilaaa 300,000 kun ayaa la sheegay in la askareeyay ,kuwaasi oo da'adoodu ka yartahay 18-sano jir, waxaana jira dowlado si gaar ah arintan loogu eedaynayo oo badankood Afrikaan ah .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]