4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Xarun lagu Xannaaneeyo Agoonta oo laga Furay Laascaanood


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Xarun lagu xanaaneynayo carruurta agoonta ah  ee 15-ka sano ka yar ayaa laga furay bariga magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

Xaruntan oo loo bixiyay Al-Ixsaan ayaa lagu billaabay 118 cunug sida uu sheegay Sheekh Siciid Axmed Cadar oo maamulka xaruntaa soo warbaahinta la hadlay intii aqy socotay furitaanka xarunta.

Siciid oo ka hadlayay sababta ku kalliftay inuu xaruntan furo ayaa sheegay inay u muuqatay dayac iyo dhibaatada haysta agoonta, wuxuuna intaas ku daray inaanu awood u lahayn inuu isagu hawshooda daboolo, balse uu isku deyay oo keliya inuu billaabo lana kaashada dadka muslimiinta ah.

Sahra Cismaan Kaarshe oo ka mid ah haweenka arrimaha bulshada ka shaqeysa oo halkaasi ka hadashay ayaa waxay ballan-qaaday inay u guntanayaan haween ahaan sidii loo dabooli lahaa baahida carruurtan.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Indha-deeq Ow-Daahir Af-qarshe oo ka mid waayeelka qurbaha ayaa waxay baaq u dirtay dadka dibadda kaga maqan dalka, iyadoo ka dalbatay inay agoonta wax-tar la garab-istaagaan, ayna ogaadaan in Alle ugu balaadinayo carruurtooda lacagta ay ku caawinayaan agoonta.

Waaliddiinta iyo carruurtaba ayaa wajiyadooda laga dheehan karay farxad weyn oo ka muuqatay, taasoo ay ku muujinayeen sida ay raalliga uga yihiin garashada xannaanada islaamnimo ee loo fidiyay, waxase xusid mudan intii ay xafladaasi socotay inay yimaadeen haween badan oo carruur wada, balse aan ku jirin kuwa haatan hawshooda la billaabay, waxana dhegayhayga soo gaadhayay ballan-qaad dib loogu qabanayo.

Agoontan lagu billaabay xaruntan ayaa ka mid ah kuwo yar oo ka mid ah agoomaha ku sugan magaalada Laascaanood, iyadoo ay horay u jirtay xarun kale oo iyadana lagu xannaayeeno boqolaal agoon ah oo magaalada ku taalla.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool