4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Xaaladda Buula-burte oo degan iyo baaritanno ay wadaan ciidamada

Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Cutubyo ka tirsan ciidanka maamulka gobolka HIiraan oo gacan militari ka hellaya kuwa AMISOM ee ka socda dowladda Jabuuti ayaa  xaqiijiyay gacan ku heynta deegaanno dhowr oo ay horay u maamulayeen xarrakada Al-shabaab, waxaana ka mid ah degmada Buula-burte oo ah xarunta labaad ee ugu ballaaran gobolka marka laga soo  tago magaalada Beledweyne.

Isgaarsiinta degmada ayaa hawada laga saaray, laakiin ka hor inta aan la jirin isgaarsiinta xiriir aan la sameynay qaar ka mid ah saraakiisha maamulka gobolka Hiiraan ee  ku sugan degmada Buula-burte waxaa ay inoo xaqiijiyeen in xaalada degmada tahay mid degan, ciidamadana ku guda-jiraan howlgal lagu xaqiijinayo ammniga, iyaga oo intaa ku darray in la baarayo goobo cayimin oo ay ka mid yihiin xarumihii ay horay u degnayeen xarrakada Al-shabaab oo laga yaabo sida ay sheegeen saraakiisha in ay uga tageen walxaha qarxa.

Mid ka mid ah dadka degmada Buula-burte oo isagana la hadllay HOL ayaa sheegay in uu arkay ciidammo raxan raxaan u socda oo ka tirsan kuwa maamulka gobolka oo gaaf-wareegaya ilaa xalay xaafaddaha ay degmada ka kooban tahay,isaga oo intaa ku darray in uusan maqlin wax rasaas ah wixii ka danbeeyay galinkii danbe ee shalay oo dagaal mudo kooban socda uu ku dhaxmaray degmada ciidamada iyo xarrakada Al-shabaab,

Iska horimaad mudo kooban socda oo dhaxmaray labada dhinac gallinkii danbe ee maalintii shalay ayaa sababay sida wararku sheegayaan dhimashada ilaa saddex ruux, laakiin lama sheegin khasaare intaa ka badan oo ka dhashay dagaallka.

Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan Cabdi Faarax Laqanyo oo howlgalka hogaaminaya ayaa isaga oo jooga degmada Buula-burte ugu baaqay dadka shacabka ah in ay is dajiyaan, waxaana uu intaa ku darray in maalmaha soo socda uga sii gudbi doonaan degmada Buula-burte deegaannada kale ee ka maqan sida uu hadalka u dhigay gacanta maamulka.

''Runtii xaalada degmada hadda waa ay degan tahay ammnigana waxaa gacanta ku haya ciidamada maamulka, qorshaha howlgalka socdana ma'aha mid intaa ku dhamaaday ee waa uu sii socon doonaa ilaa  laga gaarayo deegaannada kale ee wali harsan,'' ayuu yiri guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan.

Ilaa iyo hadda lama oga halka ay wajaheen xoogagga xarrakada Al-shabaab ee gacanta ku hayay maamulka degmada, oo mudo dheer aheyd saldhiga ugu ballaaran ee gobolada dhexe ku leeyihiin Al-shabaab, waana magaalo marka la eego istiraatiji ah oo isku xirta gobollada koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Ciidamada dowladda iyo kuwa midowgga Africa AMISOM ayaa todobaadyadii ugu danbeeyay ka waday is ballaarin qeybo ka mid ah gobollada dalka Soomaaliya, sida Baay, Bakool, Gedo iyo gobolka Hiiraan oo shalay ciidamada la wareegeen deegaanka Buq-aqble iyo degmada Buula-burte.

Buula-burte marka la eego Al-shabaab muhiim ayeey u aheyd militari ahaan iyo dhaqaalle ahaan intaba, madaama ay tahay marin u aheyd gadiidka isaga kala goosha gobollada dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
 Beledweyne, Soomaaliya