4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
Somaliland ku dhawaaqday Guddiga Qabanqaabada Aaska Tubeec

Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Ku Xigeenka Somaliland Mudane C/Raxmaan C/Laahi Ismaaciil(Saylici), ayaa magacaabay Guddida Qaban-Qaabada Aaska Qaran Ee Loo Samaynayo Marxuun Maxamed Saleebaan Tubeec Oo Dhawaan Dalka Dibadiisa Ku Geeryooday.

Ku simaha madaxweynaha ahna Madaxweyne ku xigeenka C/raxmaan C/laahi Ismaaciil Saylici, ayaa magacaabay guddi iskugu jirta wasiiro, maayiro,madax dhaqameed, abwaanno iyo wariyeyaal oo ka kooban 12 xubnood, kuwaas oo qabanqaabin doono aaska qaran ee loo samaynayo Fanaan Maxamed Saleeban Tubeec.

“Sida Aan La Socono Waxa Dalka Jarmalka Ku Geeryooday Fanaankii Waynaa Ee Maxamed Suleebaan Tubeec(AHN) Waxa Ay Dawladu U Samayn Doontaa Aas Qaran”ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska madaxweyne ku xigeenka, waxaana intaas lagu daray “Haddaba Waxa La Idiin Magacaabay Guddida Qaban- Qaabada Aaska Marxuunka Waxaanad Isku Duba Ridi Doontaan Habsami U Socdka Hawsha Aaska.Marxuumka Waxa Lagu Aasi Doonaa Magaalada Berbera Ee Gobolka Saaxil Oo Uu Ku Dhashay, Ku Barbaaray Kuna Dardaarmay” .

Guddida Uu Madaxweyne Ku Xiggeenka U Magacaabay Aaska Marxuun Maxamed Suleebaan Tubeec Ayaa Kala Ah:

1-   Wasiirka Wasaarada Dhanliyarada Iyo Ciyaaraha
2-   Wasiir Ku Xiggeenka Wasaarada Warfaafinta
3-   Wasiiru Dawlaha Madaxtooyada
4-   Wasiir Ku Xiggeenka Amniga
5-   Badhasaabka Gobolka Saaxil
6-   Maayirka Magaalada Berbera
7-   Maareeyaha Dekeda Berbera
8-   La Taliyaha Madaxweynaha Ee Arimaha Bulshada
9-   Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame(Hadraawi)
10-  Abwaan Xasan Xaaji Cabdi/Laahi(Xasan Ganey)
11-    Boqor Axmed Ugaas Iimaan
12-     Maxamed Xasan Cali (Waji).

Dhinaca kale, haddii aynu waxyar isdul taagno sooyaalkiisa faneed, waxa lagu qiyaasaa wakhtigii uu fanka ku soo biiray wakhtigii lala dagaalamayey gumaystihii Ingiriiska, taas oo uu tiriyey heeso badan oo guubaabo ah, waxaaanay inta badan heesihiisu iskugu jireen wadani, jacayl iyo gobonimo doon.

Abwaan Maxamed Saleebaan Cumar oo ah wiil dhalinyaro ah oo  taariikhda fanka ururiya ayaa inoo sharaxaya taariikhdii dheereed ee fanaanka boqorka codka Maxamed Saleebaan Tubeec ku lahaa gayiga ummadda soomaaliyeed.

Waxaanu inoogu bilaabay sidan “Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec wuxuu ka mid ahaa tiirarkii ugu mudnaa ee soo mara sooyaalka fanka casriga ah ee Soomaaliyeed, xilli ku siman 1941kii ayuu ku dhashay deegaanka Laaleys ee gobolka Saaxil ee Somaliland. Marxuumku waxa uu badiba noloshiisa ku qaatay hibooyinkii suugaaneed ee ku duugnaa; min curinta iyo halabuurka midhaha, codaynta iyo samaynta alxaanta, luuqda baxsan ee dhegtu hanqaltaagga ku maqasho ilaa masraxa iyo masrixiyadda. Allah ha u naxariistee Marxuum Tubeec waxa uu ahaa qof yaraan ku tamariyay, ku hanaqaaday, deetana ku hirgalay. Hibadiisa faneed waxa ay dillaacday isaga oo aan qaangaadhin. Toddoba iyo toban sanno oo qudh ah ayuu jiray markii uu tijaabo-galintii ugu horreysay ka gudbay. Sidaas darteed, sooyaalka nololeed ee Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan waa mid si walba ugu milan fankiisa.

Maxamed Saleebaan intii uu ku jiray saaxadda fanka waxa uu qaaday heeso badan oo kala duwan ujeeddo ahaan iyo fan ahaan intaba.

Ujeeddooyinka doorka ah ee ay heesihiisu iskaga tallaabeen waxa ka mid ah: waddani, jacayl, Nebi-ammaan iyo wacyigalin kale oo bulsheed – kuwaas oo ku kala tagganaa dareennada ay ka curteen ama ku jihaysnaayeen.

Fan ahaanna, heesihiisu waxay ku teedsanaayeen laamaha faraha badan ee fanka Soomaalida. Tusaale ahaan, waxa uu ku heesay badiba codadka kala duwan ee heesaha qaraamka loo yaqaanno sida: aroor, laac, carwo, nugul, subcis.

Allah ha u naxariistee fannaanku kuma heesi jirin oo qudh ah afka Soomaaliga, waxa se xusid mudan inuu qaaday heeso badan oo Carabi ah. Heesaha uu afka Carabiga ku qaaday ayaa ahaa kuwo 1970nnadii qarnigii tegay aad looga xiiseeyay golayaashii madadaalada ee dalka Suudaan.

Maxamed Saleebaan waxa uu la heesay fannaaniintii ugu hormoodsanayd ee fanka casriga ah ee Soomaaliyeed. Tusaale ahaan, dhinaca hablaha waxa uu heeso la qaaday Xaliimo Khaliif Cumar “Magool”, Faadumo Cabdillaahi Kaahin “Maandeeq”, Khadra Daahir Cige, Hibo Maxamed Hudoon “Hibo-Nuura”, Aamina Feyr, Maryan Mursal Ciise, Saynab Cige Maxamed, Marwo Maxamed, i.q.k.

Intii u dhaxaysay sannadihii 1955 ilaa 1990, Maxamed Saleebaan Tubeec waxa uu qaaday in ka badan boqol heesood oo tisqaaday isla markaasna ku xardhan quluubta in badan oo ka mid ah dhegaystayaasha fanka Soomaaliyeed.

Heesahaas waxa laga xusi karaa:

Hooyoy la’aantaa, Guur hayga filannin, Amraneey, Amaano, Alla may dedaasho, Tii keli ahayd, Jabaq, Cajab, Waa cudur jacaylku, God madow, Hoobal, Caloolyow, Haatuf, Dulqaado, Minankiinnii, Muxibbo, Nasteexo, Haweeya, Amarkan iyo yaabkan, Waqti, Deeqa, Neyruush, Guryosamo, Waan daalee i daaya, Aammiinta ducada, Nin dhergiyo nin dhawr qaday, Jaawe geel, Gufaaco, Taladaan la ruugin, Riyadii xalay, Cimrigiiba jacayl, Wayga dhab caashaqu, Shafeec, Waxaan ahay nin caan ah, Laba aabbo wada dhalay, Geela, Hohey hurdo habar ma koriso, Ruun, Malyuun hibo la siistaa, i.q.k.

Heesaha waddaniga ah ee uu qaaday Allah ha u naxariistee Maxamed Saleebaan Tubeec waxa ka mid ah: Dharaartaan waxyeelladii dhaqdhaqay, Daafi qurunley, Sannad waliba hoodiyo, Geesiga dhulkiisa, Alla maanta ayaanta, Qof waliba wuxu qaban yaqaannaa loo soo qaddimayaa, i.q.k.

Midhaha:

Halabuurrada midhaha uu ku heesay u sameeyay waxa ka mid ah: Maxamed Ibraahin Warsame “Hadraawi”, Xuseen Aw Faarax Dubbad, Maxamed Cali Kaariye, Cali Sugulle Cigaal “Duncarbeed”, Yuusuf Maradoon, Xasan Qawdhan Yuusuf, Cabdiqaadir Cali Cigaal, Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, i.q.k.

Codadka:

Heesaha uu Maxamed Saleebaan qaaday waxa baadisooc u ahaa alxaan heerkoodu sarreeyo oo ay allifeen halabuurrada ugu foolaadsan ee codadka hees faneedda Soomaalida. Curiyayaashii alxaanta heesihiisa waxa laga xusi karaa: Maxamed Cali Nahaari, Rashiid Bullo, Xuseen Baajuuni, Cabdillaahi Qarshi, Maxamuud Ismaaciil Xudeydi, Xasan Sabriye Afrax “Xasan Great”, Jaamac Saleebaan Tubeec, Cabdikariin Faarax Qaarey “Jiir”, Jiim Sheekh Muumin, Aweys Abuukar Goobbe i.q.k.”

Inkastoo la soo koobo Karin taariikhda uu marxuum Fanaan Maxamed Saleebaan Tubeec ku lahaa umadda soomaaliyeed, waxaase si guud mar ah idinku iftiiminay taariikhdiisa dheer ee aan laga gayoon Karin ee uu uga tahay umadiisa jeclayd, waxaana ku soo xidhayaa ilaahay ha u naxariisto, iilkana neecow udgoon ha ku siiyo.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland