4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Jimco, Mar 14, 2014
AMISOM oo Sheegtay in ay lix Magaalo ka Qabsatay Al-shabaab


Jimco, Maarso 14, 2014 (HOL) — Taliska AMISOM ayaa sheegay inay lix magaalo oo muhiim ah ka qabsadeen ururka Al-shabaab tan iyo markii howl-galladu ka billowdeen deegaanno ku yaalla Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya.

Warsaxaafadeed ay AMISOM soo saartay ayay ku sheegtay in magaalada Buulo-burte ay ahayd tii lixaad oo ay Al-shabaab ka qasadaan, iyagoo sidoo kale lagu xusay warfsaxaafadeedka in dhammaan magaalooyinkan ay ku qabsadeen muddo laba toddobaad gudahood ah.

Ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ahna madaxa AMISOM, danjire Maxamed Saalax Anaadiif ayaa sheegay in qabsashada degmada Buulo-burte ay ka dhigan tahay guushii ugu weynaa ee ay gaaraan ciidamada dowaldda Somalia iyo kuwa AMISOM.

“Tani waa guushii ugu weynayd oo ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kasoo hoyaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, waana qorshe lagu doonayo in lagu soo celiyo nabaddii iyo xasilloonidii Soomaaliya,” ayuu yiri dajire Anaadiif.

Danjiraha ayaa sheegay in howlgalka wadajirka ah ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM billlaabeen bishii hore, iyadoo tan iyo xilligaas qabsaday lix degmo oo ay ka mid yihiin: Buulo-burte, Waajid, Xudur, Buur-dhuubo, Rab-dhuurre iyo Teed.

Deegaannada ay ciidamada AMSIOM iyo kuwa dowladdu la wareegeen ayaa afar ka mid ah waxay ka tirsan yihiin gobolka Bakool, halka mid ka mid ah ay ku taallo gobolka Gedo, midda kalena ay ka tirsan tahay gobolka Hiiraan.

“Buulo –burte waxay ka tirsan tahay gobolka Hiiraan, waana Qaybta Afaraad ee howlgalka Midowga Afrika, waxayna ahayd goob muhiim u ah Al-shabaab, sidoo kale waxay ahayd goobta ay sii mariyaan xoogagga ay dalka u kala daabuayaan,” ayuu yiri danjire Anaadiif.

Ugu dambeyn, ergayga Midowga Afrika ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay inay qabsashada degmada Buulo-burte u tahay guul weyn oo taariikhi ah, ayna qayb ka tahay qorshayaasha lagu doonayo in ammaanka Soomaaliya lagu soo celiyo.

CIidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ee ka socda dalka Jabuuti ayaa shalay gellinkii dambe kala wareegay Al-shabaab gacan ku haynta degmada Buulo-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiiraan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya