4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Dowladda Jabbaan oo Malaayiin Doollar ugu deeqday Soomaaliya


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh iyo wafdiga uu hoggaaminayo oo maalmahan ku sugan dalka Japan ayaa maanta kulan la qaatay ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka qorsheynta, Saciid C/llaahi Maxamed, wasiiradda hawlaha guud , Nadiifa Maxamed Cusmaan iyo mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan.

Labada dhinac ayaa waxay kulanka kaga hadleen xaaladda Soomaaliya iyo xirriirka labada dal, kulanka kaddib ayaa waxaa shir jaraa’id wadajir u qabtay madaxweyne Xasan Sheekh iyo ra’iisul wasaaraha Japan, Shinzo Abe.

Ra’iisul wasaaraha Japan ayaa ballan-qaaday in dowladda Japan ay bixinayso lacag dhan Afartan Milyan oo Dollar ($40 Million), isagoo sheegay in dowladdii ay diyaar u tahay inay mashaariif horumarineed ka fuliso Soomaaliya.

“Dowladda Japan waxay diyaar la tahay mashaariic ay ka faa’iidi doonaan shacabka Soomaaliyeed, sida gargaarka bani’adamnimada, caafimaadka, tayeynta ciidamada booliiska iyo shaqooyin loo abuuro dhallinyarada iyo dumarka Soomaaliyeed,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha dalka Japan.

Madaxweynaha Soomaaliya oo isna ka hadlay shirka jaraa’id uga mahad-celiyay dowladda Japan sida loogu soo dhaweeyay Japan iyo taageerada dowladda Japan ay la garab-taagan tahay shacabka Soomaaliyeed.

“Illaa sannadkii ugu dambeeyey waxaa jiray mashaariic dowladda Jabbaan ay ku bixneysay Soomaaliya, haddana sida uu ka dhawaajiyay ra’iisul wasaaraha Japan ballan-qaad ah inay sii kordhiyeen tageeradda Somalia lana wajahayo muhiimadaha koowaad ee dowladda Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Sidoo kale, madaxweynaha ayaa ka codsaday dowladda Japan in laga saacido dalka mashaariicda horumarinta; sida Technology-da, kalluumeysiga iyo dib-u-dhiska guud ee Soomaaliya.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha Japan ayaa hooygiisa casho sharaf ugu sameeyay caawa madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya