4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
War-murtiyeed ka soo baxay Kulan Madaxeedkii IGAD (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Shir madaxda urur goboleedka IGAD ay maanta ku yeesheen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya ayaa waxaa kasoo baxay War-murtiyeed ku aaddan xaaladda Koonfurta Suudaan iyo Somalia, iyadoo ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed uu soo dhaweeyay qodobbada War-murtiyeedkaa iyo go’aannada kasoo baxay shirka.

Qodobada War-murtiyeedka IGAD ee ku aaddan Soomaaliya ayaa u qornaayeen sidan:

Qodobka 20-aad: ayaa lagu bogaadiyay Soomaaliya horumarrada laga sameeyay howl-galladda lagula dagaalamayo Al-shabaab; iyadoo si kulul loogu cambaareeyay dilalka ay Al-shabaab iyo malleeshiyaadka kale u gaystaan dadka shacabka ah ee Soomaaliyeed; waxaana dalalka ka caawinaya Somalia xasilloonida loogu baaqay in ay si habeysan ay u fuliyaan howl-galladooda.

Qodobka 21-aad:  ayaa looga codsaday IGAD, dowladaha daneeya arrimaha Soomaaliya iyo beesha caalamka inay ka caawiyaan Soomaaliya dadaallada lagu dhisayo maamullada goobaha la xoreeyay.

Qodobka 22-aad:  ayaa loogu baaqay ururka IGAD iyo beesha caalamka inay taageeraan dadaallada xooggan ee lagu dhisayo ciidammo Somalia oo xirfad laguna xoojinayo iyo in gargaar bani’aadanimo la gaarsiiyo dadka ku dhaqan goobaha laga saaray Al-shabaab.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh oo ka qayb-galay shirweynaha 25-aad ee aan caadiga ahayn ee madaxweynayaasha IGAD ee maanta ka dhacay magaalada Addis Ababa ayaa soo dhaweeyay taageerada loo fidiyay Soomaaliya iyo heshiiska Koonfurta Suudaan, wuxuuna ku baaqay in si deg-deg ah colaadda weli ka taagan Koonfurta Suudaan loo joojiyo, loona gurmado dalkaas oo cunno-yari ay soo wajahday.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa intii kulanku socday uga warbixiyay madaxdii IGAD ee shirka goobjoogga ka ahaa xaaladda Soomaaliya iyo dadaalka ay xukuumaddiisu ugu jirto soo celinta xasilloonida dalka. Waxaana ra’iisul wasaaraha Soomaaliya uu ka warbixiyay howl-gallada ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMSIOM ay gobollo ka tirsan Soomaaliya ka wadaan iyo sida ay uga go’an tahay in gabi ahaanba lasoo af-jaro dhammaan goobaha ay Al-shabaab kaga sugan yihiin Soomaaliya.

“Urur IGAD wuxuu kaalin muuqata ka ciyaaray wada-xaajoodka iyo tallaabooyinka lagu doonayo in lagu soo afjaro colaadda ka taagan gobolka, gaar ahaana xasilloonida Somalia iyo ka hortagga colaadda Koonfurta Suudaan,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

Isagoo sii hadlaya ra’iisul wasaare C/weli Sheekh ayaa yiri: “Somalia waxay khibrad u leedahay dhibaatooyinka ay gaajada iyo macluushu ku leedahay dal iyo dadkiisa; haddii aan si deg-deg ah looga hor-tagin. Waxaan ku baaqayaa in sida ugu dhaqso badan looga jawaabo dhibaatadaasi cunna-yarida ah ee ka jirta Koonfurta Suudaan, haddii aan laga la iska xilsaarin waxay isku bedelaysaa musiibo bani’aadannimo.”

Ugu dambeyn, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in dhammaan kooxaha ku dagaalamaya Koonfurta Suudaan ay aqbalaan in si nabadgalyo ah loo gaarsiiyo gar-gaarka bani’aadanimo dadka dhibaataysan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya