4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Booliiska Kenya oo shan qof ku dilay gudaha Magaalada Mombasa


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Ciidamada booliiska dalka Kenya ayaa shan oo looga shakiyay inay yihiin burcad ku toogtay Talaadadii bartamaha magaalada Mombasa ee dalka Kenya, kaddib iska-horimaad kooban oo dhexmaray burcadda iyo booliiska.

Saraakiil u hadlay booliiska Kenya ayaa sheegay in kooxahan ay argagax iyo cabsi joogto ah ku hayeen shacabka ku nool deegaanka Tedor oo ka tirsan magaalada Mombasa, ayna kooxdan burcadda ah muddo ku raad-joogeen.

Toogashadan shantan qof kaddib ayay saraakiisha ciidanka booliisku sheegeen inay ka helay burcadda labo bastooladood, saddex qasnadood iyo 25 xabadood, sidoo kale waxay saraakiishu sheegeen inay burcaddan isticmaalayeen gaari lasoo xaday.

“Waxaa dhowr jeer naloo sheegay inay kooxdan burcadda ah ay argagixinayeen dadka deegaanka Tudor, markii aan qowlaysatada daba-gal ku sameynayna waxay billaabeen inay xabadeeyaan askarta waana markaas marka uu iska horimadku billowday,” ayuu yiri Geoffrey Mayek oo ah madaxa booliiska Mombasa.

Ciidanka booliiska Kenya ayaa wada daba-galka kooxaha burcadda dhibaatooyinka kawada gudaha Kenya, gaar ahaan magaalada Mombasa, halkaasoo amni-darrada ay kusii badanayso, sida uu sheegay wakiilka xukuumadaha dhexe ee Mombasa, Nelson Marwa.

“Waxaan digniin u diraynaa dhammaan kooxaha burcadda ah ee argagaxa ku haya shacabka Kenya, waxaana u sheegaynaa inana gacanta kusoo dhigi doonno,” ayuu yiri Marwa.

Magaalo xeebeedda Mombasa ee dalka Kenya ayaa waxaa dhowr jeer ka dhacay iska-horimaadyo u dhexeeya ciidamada amniga dalkaas iyo kooxo hubeysan, kuwaas oo qaarkood ka cabanayay dhibaatooyin ay booliisku ka geysteen gudaha magaaladaas.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya