4/17/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo la Wareegay Gacan ku haynta Buulo-burte


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM oo isgarabsanaya ayaa gudaha u galay degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan, halkaasoo ahayd goob ay Al-shabaabku ku xooggan yihiin.

Iska-horimaad xooggan oo dhinaca galbeed ee magaalada ka dhacay kaddib ayaa waxaa ciidamada dowladda iyo kuwa Jabuuti ee ka tirsan AMSIOM u suuro-gashay inay gudaha u galaan degmadaas.

Degmada Buulo-burte oo ah degmada labaad ee ugu weyn gobolka Hiirana ayaa ku jirtay gacanta Al-shabaab dhowrkii sano ee lasoo dhaafay, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo laga qabsado.

Tan iyo saakay waxaa degmadaas ka jiray barakac ay sameynayaan dadka ku nool oo qaarkood sheegay in dagaalladu ay kusoo dhawaadeen. Iyadoo ciidamadan ay isla maanta qabsadeen deegaanka Buq-Aqable oo ku dhow Buulo-burte.

Al-shabaab weli kama aysan hadlin qabsashada degmada Buulo-burte, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka oo ahaa mid xooggan oo ay ciidamadu isku adeegsanayeen hubka culus iyo midka fudud.

Wixii kusoo kordha wararkan kala soco Hiiraan Online…...

Hiiraan Online, News Desk