4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Baarlmaanka Japan oo Somalia ka caawinaya dhismaha Aqalka Sare


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya oo booqasho ku jooga dalka Jabbaan ayaa maanta booqday xarunta aqalka sare ee baarlmaanka dalkaas, isla-markaana kulan la-qaatay guddoomiyaha aqalka aare ee baarlamanka dalkaas, Masaaki Yamasaki iyo ku xigeenkiisa, Azuma Koshishu.

Guddoomiyaha aqalka aare ee baarlmaanka Jabbaan ayaa ku amaanay dowladda  Soomaaliya tallaaboyinkii ay qaaday labaddii sanno ee lasoo dhaafay, isla markaana ballan-qaaday in dowladda Soomaaliya ay ka caawin doonaan dhisidda aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya.

Madaweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa madaxda aqalka sare ee baarlamaanka dalka Jabbaan kaga warbixiyay xaaladda Somalia, kana dalbaday inay caawiyaan baarlamaanka Soomaaliya.

“Baarlmanka Soomaaliya howlo badan ayuu qabtay, waxaana ka codsanay baarlmaanka Jabbaan inay naga caawiyaan dhisidda Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya,” ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn, madaxweyne Xasan iyo wafdigiisa oo ay ka mid yihiin wasiirrada arrimaha dibadda, qorsheynta iyo howlaha guu iyo dib-u-dhiska ayaa soo indho-indheeyay howlka shirarka ee Aqalka Sare ee baarlmaanka dalka Jabbaan.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya