4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Hay'adda Amnesty oo eedeyn Dusha kaga Tuurtay Booliiska Kenya


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Hay’adda Amnesty International ayaa ku eedeysay booliiska dalka Kenya inay cabsi-gelin iyo dhibaatooyin ka baxsan xuquuqda aadanaha ku hayaan Qoxootiga Soomaliyeed ee dalkaas ku nool.

Warbixintan oo ay soo saartay hay’addu shalay oo Arbaco ahayd ayay ku sheegtay inay booliiska Kenya cadow ka dhigteen Qoxootiga dalkaas ku nool, iyadoo warbixinta lagu sheegay in booliisku ay si aan kala sooc lahayn u beegsadaan qoxootiga.

Sidoo kale, warbixinta ayaa lagu xusay in qoxootiga doonaya inay diiwaanka galaan loo diiday in la diiwaangeliyo, taasoo macnaheedu yahay in ay si sharci darro kusoo galeen dalkaas,

 “Qoxootiga ku nool Kenya hadda waxay la mid noqdeen sidii dad la haysto, taasoo ku qasabtay inay qoxooti badan doortaan inay dalkoodii dib ugu laabtaan; iyadoo weli qaybo ka mid ah Soomaaliya ay colaado ka jiraan,” ayaa lagu yiri warbixinta Amnesty.

Agaasime ku xigeenka Amnesty International Sarah Jackson ayaa sheegay in tani ay horseeday in qoxootiga ay si khasab ah ugu laabtaan dalkoodii, iyadoo xustay in dadkaas laga yaabo inay dhibaatooyin kala kulmaan gudaha Soomaaliya oo aanay xasillooni buuxda ka jirin.

Toddobaadkii la soo dhaafay ayay dawladda Kenya ugu baaqday dowladda Somalia in la dadejiyo dib u celinta qoxootiga Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ku jira xeryaha Dhadhaab oo tiradoodu ay ka badan tahay nus malyuun qof.

Dowladda Kenya ayaa ku doodaysa in in xasillooni ay kusoo laabtay qaybo ka mid ah dalka Soomaaliya, kaddib howlgallo ay halkaas ka fuliyeen ciidamada dowladda iyo kuwa gacanta siinaya ee AMISOM.

Xukuumadda Soomaaliya ayaa dhankeeda sheegtay inay doonayso inay qoxootiga ku nool dalka Kenya dib ugu celiso dalkooda Soomaaliya, balse dib u celintu ay noqoto mid si dhacda si tartiib-tartiib ah.

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Qaxootiga ee UNHCR in 42,000 oo qoxooti Soomaaliyeed ah ay sannadkii lasoo dhaafay Kenya u galeen hab magan-galyo doon ah.

Ku dhawaad ​​60,000 oo Soomaali ah ayaa ku barakacay gobollada Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla sannadkii hore ee 2013-ka sida UNHCR laga soo xigtay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya