4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 13, 2014
Danjire Kay oo Amaanay Kaalinta Itoobiya ee Howl-galka AMISOM


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Qaramada Midoobay ayaa ciidamada Itoobiya ee qaybta ka ah holwgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya ku ammaanay kaalinta ay kaga jiraan howlgalka AMISOM iyo deegaannadii ay ka saareen Al-shabaab.

Ergayga UN-ka ee arrimaha Soomaaliya, danjire Kay oo wareysi siinayay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku ammaan ciidamada Itoobiya howlgallada ay kawadaan Koonfurta Soomaaliya, isagoo sheegay  in tan iyo markii ay AMISOM ka mid noqdeen ay howl badan qabteen.

Danjire Kay ayaa xusay in ciidanka Itoobiya ay ku qasbeen Al-shabaab deegaanno ay ka talin jireen, isagoo intaas ku daray in ciidamada Itoobiya ay bishii Feberaayo ay gobollada dalka Soomaaliya ka billaabeen howlgallo uu sheegay inay Al-shabaab qal-qal geliyeen.

“Ciidamada Itoobiya shaqo wanaagsan ayay qabteen; waayo waxay Al-shabaab dib uga qabaadeen magaalooyin muhiim ah oo ku yaalla gobollada Bakool iyo Gedo,” ayuu yiri danjire Kay.

Sidoo kale, Kay wuxuu ka hadlay dhaq-dhaqaaqyada ciidan ee ka socda gobollada dalka qaarkood, isagoo sheegay inay yihiin kuwo la doonayo in Al-shabaab dalka oo dhan looga saaro laguna dhibaatooyo kooxdan.

“Ujeeddada ay ciidamada dawladda iyo kuwa AMISOM ay u qaadeen howl-galladan waa in A-shabaab laga saaro meelaha ay dadka ku dhibaateeyaan iyo in lasoo af-jaro xeryaha ay dhallinyarada ku tababbaraan,” ayuu mar kale yiri ergaygu.

Ciidamada Itoobiya ayaa howlgalka AMISOM si rasmi ah uga mid noqdeen horraantii sannadkan, waxaana taliska AMISOM uu ku wareejiyay markiiba inay ka howlgalaan gobollada Gedo, Bay iyo Bakool oo laba ka mid ah ay ku yaalaan xuduudda ay Soomaaliya la wadaato Itoobiya.

Hadalka wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa imaanaya iyadoo dhowr deegaan oo ku yaalla Koonfurta Soomaaliya laga qabsaday xoogagga Al-shabaab, kuwaasoo ay ka mid yihiin Xudur, Waajid iyo Buurdhoobo, inkastoo Al-shabaab ay weli ka taliso deegaanno badan oo Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya ku yaalla.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya