4/18/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Madaweynaha Somalia oo Maanta la kulmay Boqorka dalka Jabbaan


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Madaxwenaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud oo booqasho ku jooga dalka Jabbaan ayaa maanta kulan la qaatay  boqorka dalkaas, Akihito.

Boqorka Jabbaan ayaa u sheegay madaxweynaha Somalia inuu aad uga walaacsan yahay xaaladda Soomaaliya, isla-markaana ballan-qaaday in dowladda Jabbaan ay juhdi xoog leh gelin doonto sidii Soomaaliya mar kale u ay noqon lahayd waddan xasillooni buuxda ay ka jirto.

Madaxweynaha Somalia ayaaa uga mahad-celiayay Akihito sida ay dowladdiisu tageerada buuxda u siiso Soomaaliya iyo sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay wafdigiisa dalka Jabbaan.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa uga tacsiyeeyay dhibaatada duufaantii ku dhufatay gobolka Fukushima oo ay shalay ku beegnayda sannad-guuradiisii saddexaad masiibadii ka dhacday gobolkaas.

Booqashada madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdigiisa ay ku joogaan dalka Jabbaan oo qaadanaysa muddo afar maalmood ah ayaa waxaa lagu wadaa inuu kala hadlo madaxda dalkaas inta uu joogo sidii ay Soomaaliya u caawin lahaayeen.



Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya