4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Dood looga Hadlay Mustaqbalka Dhallinta oo Muqdisho lagu Qabtay


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Dood-cilmiyeed ay ka qayb-galeen odayaal iyo wax-garad ayaa maanta ka dhacay Muqdisho, kaasoo ay soo qaban qaabisay CCD, iyadoo looga hadlayay sidii dhallinyarada loo bad-baadin lahaa.

Doodda oo ahayd mid lagu falan-qeynayay dhibaatooyinka dhalinta soo wajahday iyo u nug-lahaanshaha fikradaha qaldan ee lagu marin habaabiyo, loona adeegsado dagaalada, dilka iyo weerarada is-miidaaminta.

Ugu horreyn waxaa kulanka ka hadlay, C/llaahi Cabdulle Wehliye oo ka mid ahaa xubnihii ka qayb-galay dood-cilmiyeedka, waxaana uu xusay in marka hore ay haboon tahay in dhallinyarada la marin habaabiyay la wacyi-gelinayo, loona sheego waxa saxan.

"Dhallinyarada la qalday waxaa marka hore wanaagsan in la wacyi-gelinayo, waddada saxsan lagu soo hoggaamiyo, kadibna loo sameeyo baraarujin iyo xarumo lagu dhaqan celiyo," ayuu yiri C/llaahi Cabdulle Wehliye.

Sidoo kale, wuxuu intaas ku daray in dowladda iyo culumada ay sameeyaan barnaamijyo lagu wacyi-gelinayo dhallinyarada, si loo badbaadiyo jiilka soo koraya, mustaqbal wanaagsan loogu horseedo.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Nabaddoon Maxamuud Cali Maxamed oo ka mid ahaa odayaashi dhaqanka ka hadlay dood cilmiyeedka ayaa isna sheegay in loo baahan yahay inaan dhallinyarada loogu baaqin dagaal, isagoo soo qaatay hadalkii ka soo yeeray hoggaamiyaha Al-shabaab.

"Hadalka uu yiri Axmed Godane ma ahan hadal ku cusub ummadda, muddo badan ayuu dagaal ku baaqayay, waxaa leennahay bulshadada ku soo laabo, nabaddana ka shaqee, mana ahan hadal ay ummadda qaadaneyso in dagaal la galo," ayuu yiri nabaddoonka.

C/llaahi Faarax Xeyle oo isna ka hadlay doodad ayaa sheegay in loo baahan yahay in odayaasha ay door weyn ka qaateen nabadeynta, si ummadda kala ir-dhoowday la isku soo celiyo, lana heshiisiiyo.

Abwaan Shiddo ayaa isna ugu baaqay dhallinyarada u dagaalanta Al-Shabaab inay isaga soo baxaan oo dadkooda dhinac ka raacaan, isagoo ku boorriya inay cafiska ay dowladdu u fidisay ka faa’iideystaan, mustaqbalkooda aanay lumin.

Ugu dambeyn, Maxamuud Jaamac Cigaal ayaa sheegay in odayaasha dhaqanka ay qayb-weyn ka qaadan karaan wacyi-gelinta dhallinyarada oo noqday kuwa wax lagu duminayo, mar walbana horseed ka yihiin colaada, waxaana uu tilmaamay in haddii odayaasha ay shirar joogto ah u qabtaan dhallinyarada wax badan lagu guuleysan karo in la wacyi-geliyo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya