4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Barakacayaasha ku nool Kismaayo oo Dibad-bax dhigay (SAWIRRO)


Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Dibadbax ay sameeyeen barakacayaasha ku dhaqan degmada Kismaayo ayay uga cabanayeen xaalad nolol xumo, iyagoo ugu baaqay hay’adaha samafalka in ay lasoo gaaraan kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah, waxayna si gaar ah codsi ugu direen hay’adda SADHURO oo dhawaan joojisay barnaamij raashiin qeybin ah oo ay ka waday gobollada Jubooyinka.

Dadkii dibadbaxa sameyanayay oo isugu jiray Haween, Dhalinyaro iyo curyaamiin ayaa waxa ay ka ka cabanayeen dhibaatooyin dhanka nolosha ah, iyagoo ugu baaqay hay’adaha qaramada midoobay ee ka shaqeeya samafalka iyo kuwa dowliga ahba in ay lasoo gaaraan kaalmo biniaadanimo oo deg deg ah.

Hay’adda SADHURO ayaa mudo 8 bilood ah barnaamij raashiin qeybin ah ka waday gudaha magaalada Kismaayo, waxaana barnaamijkaasi ka faa’iidesan jiray ku dhawaad ilaa 5000 (shan kun oo qoys), kuwaasoo ay ku adkeyd helitaanka raashiinka quutul duruuriga ah, haseyeeshe barnaamijkaasi ayay haya’addo soo afjartay kadib markii ay sheegtay in uu dhamaaday mudadii ay ugu talo gashay.

HALKAAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Guddoomiye kuxigeenka gudiga kaamamka barakacayaasha degmada Kismaayo Max’ed Dhaqane oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in ay ka codsanayaan hay’adda SADHURO in ay dib u bilowdo barnaamijkii raashiin qeybinta ee ay hore uga waday gobolka.

“Waxaan rabnaa hay’adaha samafalka kuwa caalamiga ah, kuwa dowliga ah intaba waxan ka codsaneynaa gargaar bini’aadanimo, dadkan waa dad dhibaateeysan, dad cusub iyo dad labaatan sano dagana way leeyihin, waa dad meel kasta kasoo cararayay hay’adaha samafalka haday dalka joogaan iyo haday dibadda jiraan waan u jeedineynaa,” ayuu hadalkiisii raaciyay.

Masuulkan ayaa sheegay in hay’adda SADHURO ay u qeybisay boonooyinkii raashiinka lagu qaadan jiray ilaa imikana aysan jirin wax raashiin ah oo ay qaateen, wuxuu ugu baaqay madaxda hay’adda in ay dib ugu bilaabaan barnaamijkii raashiin qeybinta.

Gabagabadii qaar kamid ah dadkii dibadbaxa sameynayay oo warbaahinta la hadlay ayaa ka codsaday hay’adda SADHURO iyo kuwa kale ee caalamiga ah in gargaar biniaadanimo lala soo gaaray, iyagoo xusay in ay heysato dhibaatooyin dhanka nolosha ah.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya