4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Khamiis, Mar 13, 2014
Mareykanka oo Taageeray Howlgallada ka socda Koonfurta Somalia

Khamiis, Maarso 13, 2014 (HOL) — Dowladda Mareykanka ayaa soo dhaweysay howl-gallada wadajira ah ee ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay sida wadajirka ah uga wadaan gobollada Koonfurta Soomaaliya.

Wasaaradda arrimaha dibadda ee Mareykanka ayaa sheegtay in howllgaladan Al-shabaab looga saarayo deegaannada ay kaga sugan yihiin Koonfurta Soomaaliya in ay yihiin kuwo suuro-gelinaya in ammaanka Soomaaliya dib loosoo celiyo.

“Howlgalladan waa kuwo qayb ka qaadanaya in ammaanka iyo deggenaashaha  Soomaaliya dib loosoo celiyo, isla markaana suurogelinaya inay dib u soo laabtaan shaqooyinkii hay’adihii dowladda,” ayaa lagu yiri warbixin kasoo baxay wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka.

Sidoo kale, warbixinta waxaa lagu sheegay in Mareykanka uu sii xoojinayo howlaha gargaarka ah ee uu siinayo Soomaaliya, uuna ka qaybgalayo caawinta dadka ku nool deegaannada Al-shabaab laga saaray.

“Mareykanku wuxuu ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ka taageeri jiray sidii ay dhabar-jabin lahaayeen Al-shabaab, dalka oo dhanna ay  nabad ugu soo dabbaali lahaayeen. Taageeradaas waan sii wadaynaa, waxaaa ciidamadan ugu deeqaynaa qalab ciidan, tababarrana waan siinaynaa,” ayaa lagu yiri warbixinta ka soo baxday dowladda Mareykanka.

Dowladda Mareykanka ayaa howlgalka AMSIOM ugu deeqday ran iyo sannadkii 2007 lacag dhan 512-milyan oo doollarka Mareyanka ah, sidoo kalena wuxuu ugu deeqay dib u dhiska ciidamada Soomaaliya lacag dhan 171-milyan oo doollar.

Howlgallada ay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ay ka wadaan gobollada Koonfurta Soomaaliya ayaa waxaa hoggaaminaya ciidamada AMISOM eek a socda Itoobiya, iyadoo Al-shabaab looga qabsaday dagaalladaas deegaanno dhowr ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya