4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Cilmi-baaris lagu Sameeyay Ganacsiyada Somalia loosoo dhoofiyo


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Xarunta Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya ee magaalada Muqdisho ayaa lagu qabtay kulan lagu soo bandhigay dhaqaalaha Soomaaliya kaga baxa qaadka ama jaadka, iyadoo la sheegay in sannadkii 2013-ka ay Soomaaliya kaga baxday qaadka lacag dhan: 1.5 bilyan oo doollar.

Cilmi-baarista ayaa sidoo kale lagu soo bandhigay gebi ahaan waxyaabaha loo soo dhoofiyo Soomaaliya dhaqaalaha ku baxa, iyadoo ay soo baxday cidda keenta iyo saameynta dhaqan-dhaqaale ee bulshada ay ku keenaan waxyaabahaas.

“Waxaa kulanka lagu soo bandhigay in waxyaabaha loosoo dhoofiyo Somalia aysan ahayn waxyaabo daruuriyaad ah oo keliya, balse la keeno wax waliba sida: caano, biyo, qudaar, galley, sarreen IWM,” ayaa kulanka laga sheegay.

Kulanka ayaa waxaa ka qaybgalay qaar ka mid ah Jaamaacadaha Muqdishu ka howl-gala, ururrada bulshada rayidka iyo aqoonyahanno ku xeeldheer culuunta dhaqaalaha.

“Cilmi-baadhista ayaa waxay muujisay in qayaastii in ku dhow $1.5 billion ay nooga baxdo qaatka sannadkii 2013-ka oo keliya, sidoo kalena ay $250 million ay nooga baxdo waxyaabaha la isku qurxiyo ee loo yaqaan Cosmetics,” ayaa lagu sheegay warbixin laga soo saaray kulanka.

Kulanka ayaa waxaa kasoo baxay talo ku saahsan in la sameeyo warshado yar-yar oo wax-soo-saar ah iyo in canshuurta lagu kordhiyo wax yaabaha bulshada dhibka u keenaya, sida Qaadka ama Jaadka iyo Cosmetics iyo in canshuurta laga dhimo waxyaabaha faa’iidada u leh bulshada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya