4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Guddiyada Baarlamanka ka shiray ajandayaasha kal-fadhiga 4-aad


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Somalia Jeylaani Nuur Iikar ayaa maanta shir-guddoomiyay kulan ay gudoomiyeyaasha guddiyada joogtad ah ee baarlamaanka uga hadleen ajandayaasha ugu muhiimsan ee la doonayo in xildhibaannada baarlamaanku siiyaan muhiimadda koowaad marka uu furmo kal-fadhiga afaraad ee Golaha Shacabka.

Furitaanka kulanka ayaa waxaa warbixin ku saabsan qaabka ay u fududaan karaan howlaha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Somalia, iyadoo lala kaashanayo hay’adaha iyo dalalka caalamiga ah ee taageerra baarlamanka Somalia ka jeediyay agaasimaha Xafiiska guddoomiyaha baarlamaanka, Saciid Maxamed Cadow, isagoo xusay inay jiraan hay’ado diyaar u ah inay dhanka dhaqaalaha ka taageeraan guddiyada joogtada ah, hay’adahaasoo ay ugu horreyso UNDP, isla markaana uu gudoonka baarlamaanka arrintaas heshiis cad oo wadashaqeyneed kula galay.

Xoghayaha Golaha Shacabka, C/kariin Xaaji Cabdi Buux ayaa isaguna kulanka ka jeediyay warbixin ku saabsan ajandayaasha horyaalla baarlamaanka ee la doonayo in ka-lfadhiga afaraad diiradda lagu saaro.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Sidoo kale, xoghayaha ayaa intaas ku daray in qodobadaasi yihiin kuwo saameyn ku leh sidii uu dalku ku gaari lahaa marxalad doorasho mar la gaaro sannadka 2016-ka.

“Qodobbada baarlamaanka horyaalla waxaa ka mid ah: sameynta guddiga madaxa bannaan ee dastuurka, sameynta shuruucda doorashooyinka, sharciga nidaamka asxaabta iyo hir-gelinta nidaamka federaalka,” ayuu yiri C/kariin Buux.

Ugu dambeyn, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar oo isagu hoggaaminaya wafdiga guddiga joogtada ah ayaa  khudbad uu jeediyay ku sheegay inay lagama maarmaan tahay in mudnaan gaar ah la siiyo sharciyada ku saabsan in dalkan uu gaaro sannadka 2016-ka yoolka la higsanayo kaasoo ay xildhibaannadu u dhaarteen, isagoo ku boorriyay xubnaha guddiyada joogtada ah inay laba-jibaaraan howlahooda shaqo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya