4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Cabdi Qaybdiid: "Waxaan Furayaa Shir Maamul lagu Sameynayo"

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamul-goboleedka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa sheegay in xilligan uu meel gabo-gabo ah u marayo qorshe la doonayo in lugu mideeyo gobollada dhexe ee Somalia, kuwaasoo uu sheegay inay yeelan doonaan hal maamul.

Qaybdiid ayaa hadalkan ka jeediyay shir uu la qaatay xubnaha maamulkiisa oo ay qayb ka ahaayeen golaha wasiirrada Galmudug, isagoo ku nuux-nuuxsaday in la doonayo sidii loo xoojin lahaa ammaanka guud ee deegaannada ku yaalla gobollada dhexe ee Soomaaliya oo dhawaan la mid deyn doonno.

"Intii aan Muqdisho ku sugnaa, arrimaha ugu badan ee laga wada-hadlay waxaa ka mid ahaa sidii loo mideyn laha gobollada dhexe ee dalka, waxaa xilligan meel gabo-gabo ah maraya qorshihii lagu doonayay in la isugu keeno dadka degga gobollada dhexe ee Soomaaliya, waayo dalka waxaa ka dhaqan galay nidaamka lagu doonayo in gobollada dalka loogu sameeyo maamullo," ayuu yiri madaxweynaha Galmudug.

Mudane Cabdi Qaybdiid ayaa sidoo kale tilmaamay in shacabka ku nool gobollada la doonayo in la mideeyo ay yihiin kuwo u hamuun qaba in la dhiso maamul mideeya, kaasoo uu sheegay inuu noqon doonno maamul xooggan oo qayb ka noqonaya  dadaallada la doonayo in lagu hirgeliyo nidaamka faderaalka.

"Shacabka gobollada dhexe waa kuwo doonaya inay maamul isku keena yeeshaan; waxaana inta badan siyaasiyiinta gobollada ay isku racsan yihiin in la dhiso maamul mideynaya, waana qorshe sahlaya in la ballaariyo nidaamka faderaalka dalka oo gobollada wax badan kusoo kordhinaya," ayuu mar kale yiri Cabdi Qaybdiid.

Dhinaca kale, waxaa magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya ku sugan wafdi ballaaran oo ka socda maamulka Ximin iyo Xeeb, wafdigaasoo uu hoggaaminayo madaxwaynaha maammulkaas, C/llaahi Cali Maxamed Kadiye (Baar-leex).

Ujeeddooyinka ay waftigan ugu sugan yihiin Muqdisho ayaa lagu sheegay inay qayb ka tahay dadaallada lagu doonayo in lagu dhiso maamul ay yeeshaan gobollada dhexe ee Soomaaliya.

Waxaana xusid mudan in billowgii sannadkan aan ku jirno uu magaalada Gaalkacyo ka dhacay shir ay ku heshiiyeen maamullada Galmudug iyo Ximan iyo Xeeb, kaasoo ah sidii ay u midoobi lahaayeen oo ay hal maamul uwada sameysan lahaayeen.

Maamullada Galmudug iyo Ximin iyo Xeeb ayaa waxay ka arrimiyaan qaybo ka mid ah gobollada dhexe ee dalka, midowgoodana wuxuu ka dhigayaa mid xoojinaya maamul ay yeeshaan gobollada dhexe.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya