4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Siilaanyo oo Dhagax-dhigay Waddo isku Xiraysa Boorame iyo Saylac

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somaliland, Axmed Maxamed Siilaanyo oo safar shaqo ku maraya goboladda galbeedka Somaliland, ayaa maanta dadweynaha degmadda Saylac kala hadlay meel fagaaraha, kaas oo u balanqaaday inuu waxqabad ka samayn doono gobolka Selel.

Wasiiradda Arrimaha gudaha, wasiirka Kalluumaysiga iyo khayraaadka iyo xubnihii la socday weftiga ayaa dadweynaha Saylac u balanqaaday waxqabadka ay doonayaan inay ka fuliyaan iyo mudadii ay xukuumadani jirtay wixii ay ka qabteen, iyagoo halkaasi ka amaanay waxqabad balaadhan oo ay halkaasi ka muujisay wasiirka waxbarashadda Marwo Samsam Cabdi Aadan.

Madaxweyne Axmed Siilaanyo ayaa isna dadweynihii soo dhoweeyey uga mahadceliyey sida diiran ee ay ugu soo dhoweeyeen gobolka Selel, waxaanu u balanqaaday inuu horumar badan ka samayn doono, isla markaana dhagax dhigayo wadada isku xidhaa Boorame iyo Saylac, taas oo wax badan ka tari doona dhaqaalaha iyo horumarka goboladan.

Madaxweyne Siilaanyo ayaa shalay safar shaqo ku maray gobolada Gabilay, Awdal iyo Selel oo uu xalay u hoyday.

Madaxwaynaha ayaa xadhiga ka jaray jidka isku xidhi doonna Dilla iyo Boorame oo dhererkiisu dhan yahay 24km, kaasi oo ay xukuumadu intiisa badan maalgalisay dhismahiisana ay gacanta ku haysay hay’ada hormarinta jidadka Awdal iyo Salal ee ASARDA.

“Madaxwayne waxa aan ka marag kacaynaa in jidkan oo dhererkiisu dhan yahay 24km ay xukuumada aad gadhwadeenka ka tahay dhistay sedexqayboodoow laba qaybood, halka ay qaybta hadhay oo dhan 8km ay dhamaystireen dadka ku dhaqan Awdal iyo Salal oo taageero ka helay qurbojooga, shariikadaha waawayn ee dalka iyo dadwayne badan oo reer Somaliland ah”ayuu yidhi gudoomiyaha Hayada ASARDA Md. Cabdilaahi Xaaji Ciise

“Waxa aan anaga oo Camuud ah ka marag kacaynaa in xukuumada Madaxwayne Siilaanyo ay tahay xukuumadii Waxqabadka, sidoo kalena waxa aan sheegayaa in xaalka dalku uu maanta yahay mid wanaagsan gaar ahaan siyaasada arimaha dibada oo loo magacaabay masuulkii ku haboonaa”ayuu yidhi gudoomiyaha jaamacadda Camuud Prof:Saleebaan Axmed Guuleed.

Sheekhul baladka magaaladda Boorame, Sh. Cabdilaahi Sh. Cali Jawhar, Maayarka Boorama Md Saleebaan Xasan Xadi iyo Badhasaab ku xigeena Awdal Md. Cabdi Nuur Sugaal ayaa iyaguna soo dhoweeyey waxqabadka ay xukuumadu ka muujisay gobolka Awdal.

Wasiirka Wasaarada Arimaha Gudaha Md. Cali Maxamed Warancade iyo Wasiirka Gaashaan dhiga Md. Axmed X. Cali Cadami ayaa ku amaanay reer Awdal xaga horumarka iyo nabadgalyadda.

“Waxaan ka marag kacayaa in wadooyinku yihiin halbowlaha koboca dhaqaalaha ee dalka, kuwa sahla is dhexgalka dadka iyo horumarka bulsho, sidaasi aawadeed, xuumadaydu waxa ay garawsan tahay arimahaas oo dhan, waxana aan hiil iyo hooba ka gaysan doonaa dhimaha jidadka dalka, waxana aan shacabka ugu baaqayaa in dhinacooda ay ka qabtaan oo ay taageeraan horumarka ay xukuumadu wado, nabadgalyada adkaynteeda iyo iskuduubnida shacabka Somaliland”ayuu yidhi madaxweyne Siilaanyo oo u mahad naqay dadweynihii ku soo dhoweeyey gobolka Awdal.

Intaasi ka dib hay’adda wadooyinka goboladda Selel ayaa shahaado sharaf gudoonsiyey madaxweynaha, wasiirka madaxtooyadda, Ganacsade Maxamed Awsiciid Geedi, ganacsade OOMAAR,  Telesom, Dahabshiil, Shirkada SHABA iyo CAMUUD FOUNDATION oo qayb ka qaatay dhismaha wadadda Dilla iyo Boorame.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland