4/23/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Wafdi Heer Wasiir ah oo loo dirayo Goobihii laga saaray Al-shabaab

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Wasiirro ka tirsan dowladda Somalia ayaa lagu wadaa in loo diro magaalooyinkii dhawaan laga xoreeyay Al-shabaab si ay kormeer ugu soo sameeyaan goobahaas, isla markaana ay gar-gaar u gaarsiiyaan dadka ku nool.

"Sida noo qorshaysan waxaan u diraynaa  dhammaanba dhulka ay la wareegen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM wasiir ku-xigeenno iyo xubno ka mid ah dowladda"ayuu yiri wasiirka arimaha gudaha iyo federaalka dowlada Soomaaliya C/laahi Goodax Barre oo warbaahinta la hadlayay.

Waxaa kaloo uu wasiirka sheegay in muhiimadda loogu dirayo goobahaas ay tahay sidii ay qiimayn guud ugu soo samayn lahaayeen nolosha dadka goobahaa ku nool oo la sheegay in ay haysato nolol xumo daran.

"Inta badan  wasiiradda waxa ay tagi doonaan gobollada ay ka so jeedaan ee la xoreeyay ,waayo ayaga ayaa uga baahan wax qabad "ayuu hadalkiisa ku daray masuulkan oo tilmaamay in dowladda Soomaaliya ay guulo waa weyn ka gaartay kooxaha mucaaradka ah.

"Dowladda waxaa kaloo u qorshaysan in ciidamo gaar ah ay  gayso goobo kasta oo Al-shabaab laga xoreeyay waayo waa muhiim in si wada jir ah looga wada qayb-qaato amniga dalka oo dhan "ayuu mar kale yiri Goodax.

Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM iyo dowladda Soomaaliya ayaa maalmihii ugu danbeeyay la wareegayay degmooyin muhiim ah oo horey gacanta ugu jiray kooxda Al-shabaab ,waxaana la sheegay in degmooyinkaas ay u baahanyihiin adeegyada bulshada oo dhamaystiran.

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]