4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Dowladda Itoobiya oo Xabsi dheer ku Xukuntay Wariye Soomaliyeed

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Xukuumadda Itoobiya ayaa xabsi dhan 27-sano ah ku ridday wariye Soomaaliyeed oo lagu magacaabo Maxamed Aweys Muudeey (Boqorka Bartamaha), kaddib markii lagu eedeeyay inuu lug lahaa falal argagaxiso oo la doonayay in laga fuliyo dalka Itoobiya.

Wariyaha ayaa waxaa magaalada Addis Ababa ka qabtay ciidamada gaarka ah ee la dagaalanka argagaxisada, iyadoo la sheegay in muddo xabsiga lagu hayay si xunna loo jirdilay, kaddibna lagu riday xukunka muddada dheer ah.

Ururka isu-tagga suxufiyiinta caalamka ee IFJ ayaa ka dalbatay dowladda Itoobiya in si shuruud la’aan ah ay wariyahan kusii daayaan, waxayna dambiga lagu oogay ay ku tilmaameen mid aanay waxba ka jirin.

“Aad ayaan uga niyad-jabnay xukunkan xad-dharka ah ee lagu riday Muuddeey oo aan gelin wax dambi ah oo lagu ciqaabo,” ayuu yiri madaxweynaha ururka IFJ, Jim Boumelha.

Sidoo kale, madaxweynaha IFJ wuxuu sheegay in eedeymaha loo haysto wariyaha in ay yihiin kuwo aan jirin oo la yaab leh, wuxuuna maamulka Itoobiya ka dalbaday inay si deg-deg ah oo shuruud la’aan ah ay kusii daayaan Muuddeey.

War kasoo baxay hay’adda la dagaalanka argagaxisada dalka Itoobiya ayaa lagu sheegay in wariye Muuddeey loo haysto eedeymo la xiriira inuu hayo warbixinno ku saabsan howlgallo ay Al-shabaab doonayso inay Itoobiya ka fuliso iyo weliba inuu ku lug lahaa falal argagaxisonimo.

“itoobiya waa dalka labaad ee ay ku xiran yihiin wariyeyaasha ugu badan Afrika, marka laga reebo dalka Eritrea, waxaana suxufiyiinta la xarigga wariyeyaasha loo cuskado sharciga la dagaalanka argagaxisada,” ayuu hadalkiisa ku daray Boumelha.

Ugu dambeyn, madaxweynaha ururka isu-tagga suxufiyiinta calaamka ee IFJ wuxuu sheegay in qodobkan uu yahay mid looga hortagayo xorriyadda hadalka, lidna ku ah xuquuqda aadanaha, isagoo sheegay inaan loo dul-qaadanayn.

Wariye Maxamed Aweys Muuddeey (Boqorka Bartamaha) ayaa wuxuu tan iyo intii ay dagaalladu ka socdeen Soomaaliya ka howlgalayay warbaahinta madaxabanaan ee Muqdisho, balse xilliyadii dambe wuu ka maqnaa saaxada saxaafadda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya