4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Danjire Kay oo ka dayriyay Xaaladda Amni ee Magaalada Muqdisho


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Ergayga Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya Nicholas Kay oo kaga qaybgalay khadka taleefoonka kulan ay xubnaha golaha ammaanku ku yeesheen magaalada New York ayaa sheegay inay xalaadda Muqdisho kasoo darayso.

Dajire Kay, ayaa hadalkiisa oo ahaa mid dheer ku sheegay in inkastoo dowladda Somalia ay dadaal ugu jirto soo celinta nabadda dalka ay haystaan caqabado dhinaca dhaqaalaha ah.

“Xaaladda ammaan ee Soomaaliya waa mid walaac uu ka tgaaagan yahay, gaar ahaan Muqdisho oo xalaaddeeddu ay kasii dayrayso, Al-shabaab waxay bishii lasoo dhaafay  ka fulisay Muqdisho weerarro Ismiidaamin ah oo lagu bartilmaameedsaday qaar ka mid ah hay’adaha Qaramada Midoobay, madaxtooyada iyo maqaayad ku dhow xarunta nabadsugidda Qaranka ee Muqdsiho,” ayuu danjiruhu ku yiri hadalka uu u jeediyay xubnaha golaha ammaanka.

Kulanka oo looga hadlayay xaaladda ammaan ee Soomaaliya ayuu Kay ku sheegay in xaaladda Soomaaliya ay aad uga liidato sidii ay ahayd markii uu sannadkii hore jeedinayay warbixinta ku saabsan isbedelka ammaan ee Soomaaliya ka jira.

“Horumarrada Soomaaliya ka socda waa kuwo isku qasan, balse horumar muuqda ayaa jira,” ayuu yiri ergayga oo intaas ku daray. “Qorshaha nabad ku soo celinta Soomaaliya waa mid u baahan dhaqaale, waxaana beesha caalamka kula talinayaan inay ka dhabeeyaan ballanqaadyadii dhaqaale ee ay horay u bixiyeen.”

Ergayga oo sii hadlay ayaa sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Midowga Afirka oo iskaashaanaya ay howlgallo wadajir ah ka wadaan deegaanno ku yaalla Koonfurta Soomaaliya; kuwaasoo deegaanno badan looga qabsaday kooxda Al-shabaab.

“Khatarta ah in weerarro lala beegsado dowladda Somalia iyo xubnaha caalamiga ah ee ka howl-gala Muqdisho waa kuwo mar walba la filan karo,” ayuu mar kale yiri dajire Key oo intaas raaciyay in haddii aan dhaqaale loo helin howlgallada socda ay taasi keeni karto in xaaladdu ay kasii darto.

Danjire Kay ayaa hadalkiisan kusoo beegay xilli ay dagaallo ka socdaan gobollada Koonfurta Soomaaliya, mararka qaarkoodna ay weerarro ay ku jiraan duqeymo ay ka dhacaan magaalada Muqdisho ee xarunta Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya