4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Xildhibaanno Soomaaliyeed oo Aqoon-kororsi looga Furay Kampala


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya ayuu tababar ku saabsan la xisaabtanka hay’adaha xukuumadda wuxuu uga furmay shalay oo Salaaso ahayd magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda.

Aqoon-kororsigan ayaa waxaa furay guddoomiye ku xigeenka kooxaad ee baarlamaanka Soomaaliya, Jeylaani Nuur Iikar, isagoo sheegay in xubnaha loo furay aqoon-kororsiga ay yihiin guddoomiyeyaasha guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya.

Tababarkan ayaa waxaa fududeeyay hay’adda AWEPA, waxaana duruusta ka bixinaya quburo ka socda baarlamaannada caalamka qaarkood oo ay ku jiraan kuwo ka socda baarlamaanka dalka Uganda.

“Waxyaabaha ugu muhiimsan ee aqoon-kororsiga lagu qaadan doono waxaa ka mid ah qaabka ay guddiyada joogtada ah ula xisaabtamayaan wasaaradaha kala duwan ee xukuumadda Soomaaliya,” ayuu yiri Jeylaani Nuur Iikar.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:

Guddoomiyaha guddiga xeer hoosaadka, anshaxa iyo xasaanadda baarlamaanka Soomaaliya, C/qaadir Ibraahin Baqdaadi oo saxaafadda la hadlay ayaa sheegay in billowga aqoon kororsigan ay guddiyadu eegeen hagaajinta xiriirka, dhex-maraya bulshada iyo guddiyada joogtada ah ee baarlamaanka Soomaaliya, maadaama ay guddiyada joogtada ah toos ugu xiran yihiin wasaaradaha xukuumadda isla mar ahaantaana ay yihiin baarlamaanka oo yar.

Dhinaca kale, guddoomiye ku xigeenka guddiga arrimaha bulshada ee golaha baarlamaanka Soomaaliya, Dr. Cusmaan Maxamuud Dufle ayaa isna dhankiisa ka hadlay muhiimadda aqoon-kororsigan isagoo xusay in tani ay muhiimad gaar ah u leedahay hormarinta iyo ballaarinta howlaha golaha shacabka, maadaama guddiga joogtada ah ay yihiin kuwo had iyo goor diyaariya qorshe howleedka baarlamaanka.

Ka sokoow aqoon-kororsigan socon doona mudada shanta cisho ah oo waxyaabaha looga hadlayo uu soo diyaariyay baarlamaanka Somalia ayaa waxaa mas’uuliyiinta guddiyada joogtada ah ee baarlamaanku ay ka doodi doonaan qorshe howleedka nidaamka federaalka iyo qaabka iyo nooca uu noqonayo.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya