4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Al-shabaab oo xalay weerartay degmada Baydhabo ee gobolka Bay

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) —Kooxda Al-shabaab  ayaa saqdii dhexe ee xalay weerar kusoo qaaday degmada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay, iyadoo dagaalka uu ka dhacay dhowr goobood oo kala duwan.

Meelaha uu dagaalku saameynta xooggan ku yeeshay ayaa waxaa ka mid ah: jidka Olombik, suuqa balka iyo meel ku dhow gurigii xildhibaan Sheekh Aadan Madoobe, iyadoo gobahaas ay dhamaantood yihiin goobo ay ciidammo ku sugan yihiin.

Weerarka Al-shabaab ayaa billowday 1:00 habeenimo ee xalay, iyadoo dadweynaha ay kusoo tooseen dhawaqa rasaasta iyadoo labada dhinacna ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, iyadoo aan la ogeyn khasaaraha labada dhinac soo kala gaaray.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ee Itoobiya ka socda ayaa saaka kawada Baydhabo dhaqdhaqaaq ciidan oo ku wajahan dhinaca degmada Diinsoor oo ah goob ay aad ugu xooggan tahay Al-shabaab.

Hiiraan Online, Baydhabo