4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Askari AMISOM ah oo sheegay inaysan doonayn jabka Al-shabaab

Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Askari ka tirsan ciidanka AMISOM ee ka socda dalka Burundi oo dib ugu laabtay magaalada Bujumbura ee xarunta dalkaas ayaa sheegay inaysan doonayn in Al-shabaab la burburiyo, isagoo sabab uga dhigay inay taasi soo afjarayso howlgalka ay u joogaan Soomaaliya oo ay dhaqaale badan ku helaan.

Wariye ka tirsan wargeyska Star ee kasoo baxa magaalada Nairobi ayaa askarigan kula kulmay magaalada Bujumbura xilli uu halkaas howlo shaqo u joogay, isagoo xusay inuu aad ula yaabay sida askarta Burundi ee kasoo shaqeeyay Soomaaliya ay u doonayaan inay mar kale dib ugu laabtaan Soomaaliya.

“Ma doonayaan ciidamada AMISOM inay baabi’iyaan ama ka taqalusaan Al-shabaab, waayo taasi uguma jirto wax faa’iido ah, joogistooda waxaan ku helayaa lacag aad u badan, muhiim ayuuna noo yahay jiritaankooda,” ayuu askarigan oo magaciisa la qariyay u sheegay wariyaha.

Askarigu wuxuu intaas ku daray in mushaar ahaan uu u qaato 1200 oo doollar, isla markaana uu helo 500 oo doollar oo dheeraad ah, taasoo uu ka qaato 10-askari oo ka kala tirsan Somalia iyo Burundi.

Wariyaha la klumay askarigan ayaa sheegay inuu lacagtii uu Somalia kasoo helay uu ku dhisanayo guri cusub, uuna Alle ka baryayo in dhibaatada Soomaaliya aysan dhammaan inta uu dhismaha gurigiisa ka dhameystiranayo.

“Ma doonayo in Al-shabaab la jabiyo. Waayo waxaan doonaynaa in howlgalku uu sii socdo si aan dhaqaale u helo,” ayuu askariga hadalkiisa ku daray. Iyadoo tani ay noqonayso markii ugu horreysay oo askari ka tirsan ciidamada AMISOM uu sheego in howlgalkooda Soomaaliya uusan ahayn mid ay doonayaan in lasoo afjaro.

Ciidamada AMISOM ee ka socda Soomaaliya ayaa waxay tiradoodu ka badan tahay 20,000 oo askari, waxayna ka kala socdaan dalalka Uganda, Burundi, Jabuuti, Kenya, Itoobiya iyo Sierra Leone, iyagoo dowladda Somalia gacan ka siiya dagaalka ay kula jirto Al-shabaab.

Dalka Burundi ayaa waxaa dagaal ay Muqdisho kula galeen Al-shabaab looga dilay in ka badan 76-askari, iyadoo sidoo kale ay Al-shabaab gacanta ku hayso askari ka tirsan ciidamada Burundi ee AMISOM oo ay dhaawac ahaan ku qabsadeen saddex sano ka hor.

Hadalka askarigan ayaa wuxuu kusoo beegmayaa iyadoo ciidamada Itoobiya oo ka mid noqday dhawaan AMISOM ay howlgallo lagula dagaalamayo kooxda Al-shabaab ka billlaabeen gobollada Gedo iyo Bakool.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya