4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Mar 12, 2014
Muun-gaab oo sheegay inay Muqdisho ku nabdeynayaan muddo yar


Arbaco, Maarso 12, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha gobolka Banaadir, isla markaana ah duqa Muqdisho, Jen. Xasan Maxamed Xuseen (Muun-gaab) ayaa daboolka ka qaaday in ammaan-darrada ka jirta magaalada Muqdisho aysan lug ku lahayn ciidamada xoogga dalka, maamulkiisana uu dhexda u xiran doono sidii uu ku nabadeyn lahaa Muqdisho.

Duqa Muqdisho oo wareysi gaar ah siinayay idaacadda BBC ayaa sheegay in maamulkiisa uu howsha ka billaabayo meel wanaagsan, ayna  u qorsheysan tahay inay muddo kooban wax kaga bedelaan ammaanka guud ee Muqdisho.

“Anigoo adeegsanaya khibraddii aan ka dhaxlay shantii sano ee aan ahaa guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida, waxaa ii qorsheysan inaan Muqdisho kaga dhigo nabad muddo saddex bilood gudahood ah,” ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho.

Sidoo kale, Jen. Xasan Muun-gaab wuxuu sheegay in maamulkiisa uu xoogga saari doono sidii uu dib ugu dhisi lahaa ciidanka booliiska iyo kuwa nabadsugidda gobolka ayna wada-shaqeyn u dhexmari lahayd bulshada Muqdisho iyo ciidamada amniga ka shaqeynaya.

“Qorshaheenna waxaa ka mid ah inaan isku xirno ciidamada ammaanka sugaya ee gobolka iyo shacabka, si looga hortago kuwa nabadda kasoo horjeeda ee falalka aan wanaagsanayn ka sameynaya Muqdisho,” ayuu hadalkiisa ku daray.

Guddoomiyaha gobolka yaa ku faanay in markii guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliay lagu doodi jiray tirada dadka shacabka ah ee ay ciidamadu ku dilaan maalin walba Muqdisho, sida inta u dhexeysa 40 illaa 100-qof, balse uu ku guuleystay in dilalka ay ciidamadu ka geystaan Muqdisho ay hadda yihiin kuwo aad u yar.

Dhanka kale, guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa xusay in ciidamada amniga ee gobolka Banaadir ay beegsan doonaan goobaha lagu tuhmo inay ku jiraan xoogagga Al-shabaab ka tirsan, balse aanu jiri doonin howl-gal aan bartilmaameed lahayn oo Muqdisho laga fuliyo.

Ugu dambeyn guddoomiyaha Xasan Muungaab wuxuu shacabka Muqdisho kula taliyay inay kala shaqeeyaan maamulkiisa sidii lagu adkeyn lahaa amniga, iyadoo la xusuusto in habeen hore madaafiic lagu duqeeyay xaafado ka tirsan Muqdisho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya