4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Ra’iisul Wasaaraha: Gurmad ayaan geynaynaa goobihii la xoreeyay


Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Somalia, C/weli Sheekh Axmed Maxamed oo ay wehliyaan qaar ka mid ah ah xubnihiisa golaha wasiirrada ayaa kulan la qaatay xubno ka socday beesha caalamka ee fadhigeedu Muqdisho yahay, kuwaasoo ay ka mid ahaayeen wakiilka Qaramada Midoobay ee arrimaha Soomaaliya, safiirka Britain, safiirka Turkey, kan Imaaraadka iyo xubno kale.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii gurmad deg-deg ah loo gaarsiin lahaa dadka ku nool deegannada dhawaan laga saaray Al-shabaab, isla markaana looga dhaqan-galin lahaa deegaannadaas adeegyada aasaasiga ah sida ammaanka iyo maamullada.

“Waxaan kala hadlayay xubnaha beesha caalamka sidii ay uga qaybgeli lahaayeen qorshaha dowladda ee gurmadka loogu fidinayo dadkeenna Soomaaliyeed ee ku sugan goobaha aan ka xoreynay Al-Shabaab. Waxaan gaarsiin doonnaa goobahaas biyo, cunno iyo waxbarasho innagoo sugayna ammaanka goobahaas.” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, Cabdiweli Sheekh.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay juhdi badan gelin doonto sidii dib-u-xoreynta kaddib looga hir-galin lahaa goobahaas xasillooni iyo garab-istaagga shacabka Soomaaliyeed ee dhibaatooyinka kala duwan ay ku haysay Al-shabaab.

Wasiirka arimmaha gudaha oo shir jaraa’id u qabtay kulankaas kaddib warbaahinta ayaa sheegay in sidoo kale ay deegaannadaas gaari doonaan xubno wasiirro ah si ay u qiimeeyaan waxyaabaha ay dadku u baahan yihiin iyo hubinta xasilloonida goobahaas.

Xubanaha kulanka ka qayb-galay ayaa iyaguna sheegay inay ka qayb-gali doonaan gurmadka ay dowladda Soomaaliya doonayso inay goobahaas gaarsiiso, iyagoo ku daray hadalkooda inay tani tahay hormuud weyn.

Safiirka Turkiga ee Soomaaliya, Kamaaludiin Kani Turan ayaa intii kulanku socday wuxuu sheegay in dowladdiisu ay dib u billaabi doonto miisaaniyadda ay ku kabi jirtay dakhliga dowladda Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya