4/24/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Xasan Shiikh: Japan waxaan u joogaa sidii Somalia loo caawin lahaa


Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Somalia, Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo  ayaa gaaray magaalada Tokyo ee dalka Jabbaan, iyadoo garoonka ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan dowladda dalkaas oo uu ka mid yahay safaiirka Jabbaan ee Soomaaliya.

Wafdiga madaxweynaha  oo muddo afar maalmood ah ku sugnaan doona Jabbaan ayaa waxaa ka mid ah, wasiirka arrimaha dibadda, Cabdiraxmaan Ducaale Beyle, wasiirka qorsheynta, Saciid Cabdullaahi Maxamed iyo wasiiradda howlaha guud , Nadiifo Maxamed Cusmaan.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kulan la qaadan doona ra'iisul wasaaraha dalka Jabbaan, Shinzo Abe, iyagoo kala hadli doona xoojinta xiriirka labadda dal iyo sidii dowladda Jabbaan ay taageero u siin lahayd dowladda Somalia sida kalluumeysiga, horumarinta beeraha iyo sidii tababarro loo siin lahaa xirfadleyda Soomaaliyeed.

"Halkan (Jabbaan) waxaan u joognaa sidii dowladda Jabbaan aynu uga wada-hadli lahayn caawinta iyo horumarinta dalka. Dowladaha Soomaaliya iyo Jabbaan xiriir wanaagsan ayaa ka dhaxeeya, dadaal dowladdu bixisay ayuuna dib ugu soo laabtay xiriirkii labada dal, haddana waxaannu rajeyneynaa inuu sii xoogeysto waana midda iminka aannu ka shaqeyneyno oo ah adkeynta xiiriirkaas," ayuu yiri madaxweynaha Soomaaliya.

Ugu dambeyn,  madaxweynaha  Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sidoo kale kulan la qaadan doonaa boqorka dalkan Jabbaan, isagoo booqan doonaa magaalada Hiroshima.





Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya