4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Somaliland oo diiday lacag Bangiga Afrika uu u soo mariyay Somalia

Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Xukuumadda Somaliland ayaa sheegay in aanay ogolaanayn in dhaqaalaha Baanka Horumarinta Afrika usoo mariyey dawladda fadaraalka Soomaaliya.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu Hargeysa ka soo saaray Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay in aanay Somaliland qaadanayn lacag soo martay gacan saddexaad iyo dalkale toonna.

“Annagoo tixraacayna qoddobka koowaad xayeysiis la soo geliyey website-ka Bangiga horumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Horumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland. waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.”ayuu yidhi wasiirka Qorsheynta Sacad Cali Shire oo ka hadlayey dhaqaale Somaliland loo soo mariyey dawladda Soomaaliya.

Waxaana intaas lagu daray “Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirrada loo baahan yahayna ka wada hawl-geleyno.

“Waanu soo dhoweynaynaa taageerrada Bangiga, laakiin taageeradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.”ayaa lagu soo xidhay war-saxaafadeedkaasi.

Barkhad-ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland