4/25/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Kenya oo dib uga Furanaysa Muqdisho Safaaraddii ay ku lahaayeen

Talaado, Maarso 10, 2014 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa la sheegay inay dib uga furanayso magaalada Muqdisho Safaarad cusub sida laga soo xigtay diblumaasi hore,waxaana tallaabadan lagu sheegay in ay tahay mid isku soo dhaweynaysa dhinacyada Soomaliya iyo Kenya.

"Waan ognahay in ay khatar tahay in Muqdisho tallaabo diblumaasiyadeed laga hirgaliyo ,balse joogitaanka Kenya ee Soomaliya waxa uu caawinayaa dowladda hadda jirta "ayu yiri Maxamed Afey oo ah ergayga gaarka ee Kenya u fadhiya  IGAD.

Sidoo kale, masuulkan ayaa tilmaamay in Somalia ay ka taageerayaan qabashada doorashada dhici doontaa sanadka 2016-ka, isagoo intaas ku daray inay socdaan qorashayaal arintaas la isaga kaashanayo oo dhawaan la hirgalin doono.

"Waajib ayey inagu tahay inan samaynno wax kasta oo Soomaaliya ka saacidaya in dalkan uu caadi ku soo noqdo  wayo hadii ay Somaliya nabad noqoto waxey la mid tahay in gobolka oo dhan ay xaaladdiisa dagayso"ayuu hadalkiisa ku daray Affey.

Dowladaha ku yaalla Geeska Afrika ayuu sheegay in looga baahanyahay sidii ay meel uga soo wada jeesan lahaayeen in la cirib tiro kooxda Al-shabaab oo ah mucaaradka ugu weyn ee dowladda iyo waliba howlgalka AMISOM.

Kenya ayaa horey si kumeel gaar ah u hakisay howlahoodi shaqo ee Muqdisho ,ka dib markii dalka ay ka dhaceen dagaallo sokeeye oo sababay in markii danbe xilka laga tuuro Maxamed Siyaad Barre oo waqti badan soo xukumayay dalka .

Faysal Mohamed Hassan
[email protected]