4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 11, 2014
Askar ka Tirsanaa Ciidamada Somalia oo Xukunno dil ah lagu fuliyay

Talaado, Maarso 11, 2014 (HOL) — Maxkamadda ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa saakay xukunno dil ah ku fulisay saddex askari oo ka kala tirsanaa ciidanka milateriga iyo dowladda hoose ee Muqdisho.

Xukunkan dilka ah ayaa ka dhacay Iskool bulusiyo iyadoo ay ku sugnaayeen halka dilka uu ka dhacayay saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga, booliiska iyo mas’uuliyiin ka socday maamulka gobolka Banaadir.

Askartan la toogtay ayaa waxaa horay loogu helay inay dilal geysteen, iyadoo laba ka mid ah askartan ay ka tirsanaayeen ciidamada ilaalada deegaanka ee minishiibiyada iyo midka kale oo ka tirsanaa ciidamada milateriga Soomaaliya.

Mas'uuliyiinta maxkamadda ciidamada qalabka sida ayaa sheegay in askartan horay ay ugu xukumeen dil toogasho ah, kaddib markii lagu helay in ay si kala gooni-gooni ah dilal ugu geysteen askar ka tirsan booliiska Soomaaliya iyo wariye ka howlgalayay Muqdisho.

Saddexda askari ee la toogtay ayaa lagu kala magacaabi jiray: Maxamed Cumar Caddoow oo horay u dilay wariye lagu magacaabi jiray, Mustaf Xuseen, labada kale oo iyaguna dil u geystay askar ka tirsan booliiska Soomaaliya ayaa lagu kala magacaabi jiray, Yaxye Shiikh Cabdullaahi Axmed iyo Xuseen Cali Axmed oo ilaalo u ahaa xildhibhaan baarlamaanka ka tirsan.

Goobta ay toogashadu ka dhacaysay ayaa waxaa ku sugnaa dadweyne fara badan si ay u daawadaan habka qiyaasta loo sameynayo, iyadoo aysan ahayn markii ugu horreysay oo maxkamadda ciidamada xoogga dalka ay toogasho ku fuliso askar la sheegay inay horay dilal u geysteen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya