4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Kulan looga Hadlay Wacyi-gelinta dhallinta oo lagu qabtay Muqdisho


Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Kulan looga hadlayay wacyi-gelinta dhallinyarada si aysan ugu nuglaan fikradaha qaldan ayaa maanta lagu qabtay xarunta degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir, kaasoo ay kasoo qayb-galeen maamulka degmada, taliska booliska, ururrada dhallinyarada gobolka Banaadir iyo kan degmada.

Hey'adda CCD oo kulanka soo qaban-qaabisay ayaa ku sheegtay ujeedkiisa inuu yahay sidii dhallinyarada aan fikradaha qaldan looga dhaadhicin, waxaana khudbad ka jeediyay guddoomiyaha degmada Yaaqshiid, Muxiyadiin Xasan Jurrus.

Guddoomiyaha ayaa ugu baaqay dhallinyarada inay kala shaqeeyaan ciidanka sidii lagu sugi lahaa amniga iyo ka hor-tagga falalka ammaan-darada iyo qaraxyada, isagoo dhalinyarada ku tilmaamay madaxda berri.

"Waxaa muhiim ah in dhalinyarada iyo maamulka degmada ay wada-shaqeyn dhex-marto, dowladnimada waa dadka, dhallinyaraduna waa madaxda berry,"ayuu yiri Jurrus.

Sidoo kale, wuxuu ugu baaqay dhallinyarada inay soo sheegaan dadka falalka amni daro wada, isagoo ku booriyay inay joogteeyaan kulammada iyo is-dhex-galka, si loo wacyi-gelinayo dhallinyarada la qalday.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN


"Danteenna guud waa inaan nabadgalyada aan kawada shaqeyno, waana inaad soo sheegtaan kuwo miinooyinka dhigaya, kuwa bastooladaha dadka ku dila, waana in aan la idin cabsi-gelin, haddaan la is-kaashan oo aan u is-taagin adkeynta amniga waxba nooma qabsoomayaan," ayuu Jurrus hadalkiisa ku daray.

Taliye ku-xigeenka saldhiga degmada Yaaqshiid, Cabdulle Ibraahim Gacal ayaa isna sheegay in booliska uu u adeego shacabka, sidaas darteedna looga baahan yahay in shacabku ay ciidamada ku gacan siiyaan sugidda amniga.

"Al-shabaab shacabka ayay ku dhex milmeen, meel alla meeshii aad ku aragtaan soo sheega, kuwa guryaha ku jira hala soo saaro, hay'adaha amnigana ha lagu soo wargeliyo. Shaqada booliska waxay ku jirtaa rabitaanka shacabka," ayuu yiri taliye kuxigeenka saldhigga booliska degmada Yaaqshiid.

Gudoomiyaha ururka dhallinyarada degmada Yaaqshiid, Cabdullaahi Raage ayaa sheegay in dhallinyarada looga baahan yahay inay ka shaqeeyaan horumarinta degmada iyo wacyi-gelinta, isagoo ugu baaqay waaliddiinta inay caruurtooda ku koontaroolaan waxbarashada.

Kulanka ayaa intii uu socday waxay dhallinyaradu isku waydaarsadeen talooyin iyo fikrado wax ku ool ah oo la xiriiray horumarinta bulshada, wacyi-gelinta iyo is-dhex-galka bulshada, si loo abuuro dhallinyaro nadiif ka ah dhibaatooyinka dalka ka dhacaya.

Ugu dambeyn, gudoomiyaha qaybta haweenka ee CCD, Sahro Maxamed Amiin ayaa ku ammaantay dhallinyarada sida ay u muujiyeen biseyl intii uu dood-cilmiyeedku socday, waxayna xustay in dhallinyaradu ay yihiin tiirka bulshada iyo mustaqbalka dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya