4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Madaxweynaha Galmudug oo ku baaqay in laga hortago Al -Shabaab

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug, Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) ayaa ku baaqay in laga hor-tago in xoogagga Al-shabaab ay u soo tallaabaan deegaannada gobollada dhexe, marka looga adkaado deegaannada Koonfurta Soomaaliya ee ay howlgalladu ka socdaan.

Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in xilligan ay ka warhayaan in firxad ka tirsan kooxda Al-shabaab ay soo gaareen deegaanno ay Galmudug ka mid tahay, isagoo xusay in ay ka hortegi doonaanin shacabka ay ku dhex-dhuuntaan.

"Dagaallada ka dhanka ah Al-shabaab waa looga adkaaday xilligan, waxaana jira firxad tira badan oo aan ogahay inay soo aadeen gobollada nabdoon si ay ugu dhuuntaan, balse Galmudug way ka hor-tegi doontaa," ayuu yiri Cabdi Qeybdiid.

Wajiyo badan ayuu sheegay inay adeegsan doonan xubnaha Al-shabaab ka tirsan ee soo gaaraya gobollada nabdoon, isgaoon tilmaamay inay doonayaan inay ku nagaadaan dhulka nabaddu ka jirto.

"Waxaa jiri doonna dhaqanno kala geddisan oo ay adeegsan doonan xubnaha Al-shabaab ka tirsan, waxayna doonayan inay dhexgalaan deegaan walba dadka kasoo jeeda, gaar ahaan dadka uu ku midabka yahay ama dhalasho u xiga; kuwaasoo ay dhici karto inay qariyaan, mana aha waxaas wax wanaagsan ee ha laga hortago," ayuu madaxweynaha Galmudug hadalkiisa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay madaxweynaha Galmudug isagoo saxaafadda kula hadlayay magaalada Gaalkacyo inuu jiro culeyska saaran Al-Shabaab, kaasoo uu sheegay inuu uga imaanayo ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya, kuwaaso ka saaray inta badan deegaannadii ay ku sugnaayeen.

Ugu dambeyn, Cabdi Qaydbiid wuxuu shacabka ku dhaqan deegaannada Galmudug uga digay inay garab-siiyaan firxadka xoogagga Al-shabaab ee deegaannadooda kusoo wajahan.

"Waxaa shacabka Galmudud laga doonayaa inaysan garab-siiniin Al-shabaabka ku soo wajahan deegaannadooda. Al-shabbaab waxaa naga dhaxeeya xarig in la qabto oo sharciga la horgeeyo iyo in dadka dhexdiisa laga takooro," ayuu mar kale yiri madaxweynaha Galdmudug, Cabdi Qaybdiid.

Tan iyo markii ay billowdeen howl-gallada ay dowladda Soomaaliya ku sheegtay in Al-shabaab looga saarayo gobolladda ay ku sugan yihiin ayaa waxaa soo baxayay baaqyo ku aaddan in laga hortago dagaal-yahannada kooxdaas ka tirsan inay kusoo dhex-dhuuntaan shacabka ku nool deegaannada nabdoon.

Iimaan Maxamed, Hiiraan Online
[email protected]
Gaalkacyo, Soomaaliya