4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Hoggaamiyaha Al-shabaab Abu-Zubeyr oo farriin cod ah soo diray
Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) —Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa farriin cusub oo uu soo diray wuxuu kaga hadlay arrimo badan. Farriintan oo cod ah islamarkaana 12 daqiiqo soconaysa, waxaa waxyaabaha uu kaga hadlay kamid ah: ciidamada Itoobiya ee ku biiray AMISOM, Maraykanka iyo siyaaddiisa ku wajahan Soomaaliya iyo weliba baaq uu u diray dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.

Ugu horreyn wuxuu sheegay in duullaan lagu hayo guud ahaan dadka Muslimiinta ah ee ku nool gobolka geeska Afrika, duullaankaas oo sida uu tilmaamay muddo qarniyo ah soo socdey.

Abu-Zubeyr oo taas ka hadlayaa wuxuu yiri: "Duulaanka saliibiga ah ee lagu hayo Muslimiinta geeska Afrika, wuxuu ahaa mid soo taxan qarniyo badan, mar walbana waxaa hormuud ka ahaa kiristaanka Itoobiya oo kaashanaya saliibiyiinta Reer Galbeedka..."

Siyaasadda Maraykanka ee ku wajhan Soomaaliya ayuu sheegay inay tahay mid ujeedooyin dhowr ah ku saleysan, ujeedooyinkaas isagoo tilmaamaya waxaa hadalladiisii kamid ahaa:

"hadafka koowaad waa in dalka inta hadhay Itoobiya iyo Kenya loo kala qaybiyo iyadoo gabbaad laga dhiganayo maamul-goboleedyo, kan labaadna waa in khayraadka dalka laboobo, si toosan iyo si dadban labadaba...hadafka saddexaadna waa in lala dagaallamo ku-dhaqanka sharciga Islaamka ee ka hirgalay wilaayaadka Islaamiga ah..kan afraadna waa in wadanka mar labaad laga huriyo colaad ku saleysan deegaanno iyo beelo...ujeedada shanaadna waa sidii ay Itoobiya ku xaqjiiyin lahayd riyadeedii ahayd inay mar uun cagta dhigto xeebaha Soomaaliya..."

Hoggaamiyaha Al-shabaab ayaa dhanka kale sheegay in Maraykanka iyo xulufadiisu ay ku guul darreysteen dagaalka ka dhanka ah kooxaha mujaahidiinta, taas wuxuu sheegay inay daliil u tahay ciidamada Maraykanka oo sannadkan ka baxaya dalka Afgaanistaan.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in dhibaatooyin siyaasadeed iyo kuwo dhaqaale ay haystaan dalalka gobolka ee qaybta ka ah hawlgalka ka dhanka ah Al-shabaab. Si gaar ah wuxuu usoo hadal qaaday Itoobiya, Uganda iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya.

Ugu dambeyntii wuxuu baaq u diray dadka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan, isagoo ugu baaqay inay jihaadka ka qayb qaataan, sheegayna in xilligan la joogo qof kasta ay waajib ku tahay inuu ku qayb qaato.

"badbaadadeenu waxay ku jirtaa ku-dhaqanka sharciga Alle, qabsashada xariggiisa iyo jihaadka cadowgiisa...jihaadka ayey nolosheenu ku jirtaa, jihaadka ayey sharafteenu ku jirtaa, jihaadka ayey guusheenu ku jirtaa, jihaadka ayey ku jirtaa libaanteenna aduun iyo middeena aakhiraba..." Abu-Zubeyr ayaa yiri.

Farriinta uuso diray hoggaamiyaha ugu sarreeya Xarakada Al-shabaab, waxay kusoo aadeysaa xilli ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM oo is garabsanayaa ay bilaabeen hawlgal ballaaran oo ay doonayaan inay kula wareegaan deegaannada ay Shabaabku ka arrimiyaan ee ku yaalla gobollada Hiiraan, Gedo iyo Bakool.

Hiiraan Online, News Desk