4/26/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
Madaxweynaha oo u dhoofay Jabbaan si uu ugala hadlo dib u dhiska

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sh. Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo oo isugu jira wasiirro iyo mas’uuliyiin kale oo dowladda ka tirsan ayaa maanta u ambabaxay dalka Jabbaan.

Afhayeenka madaxtooyada Soomaaliya, Inj. C/raxmaan Cumar Cismaan (Yariisow) oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in madaxweynuhu uu casuumaad rasmi ah ka helay ra’iisul wasaaraha dalka Jabbaan, Shinso Abbe.

Inj. Yariisow ayaa sheegay in madaxweynuhu uu kala hadli doono madaxda dalka Jabbaan sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen dib u dhiska Soomaaliya, maadaama Jabbaan ay horay u qabatay shir dhaqaale loogu ururinayay Soomaaliya.

“Dowladda Jabbaan waxay muujisay sida ay uga go’an tahay in Soomaaliya ay ka gacan ka siiso dhinacyada horumarinta, waxaana dhawaan Jabbaan tababar lagu soo siiyay xubno ka tirsan dowladda Soomaaliya, kaasoo lagu aqoontooda,” ayuu yiri Inj. Yariisow.

Sidoo kale, afhayeenku wuxuu sheegay in madaxweynaha qorshihiisa ugu weyn ee uu ku aadday Jabbaan uu yahay sidii uu xukuumadda Jabbaan ula wadaagi lahaa in ay dib u dhiska Somalia iyo horuminta dalka ay qayb weyn uga qaadan lahaayeen.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa safarka uu Jabbaan ku aaday ayaa noqonaya kii labaad oo uu dalkaas ku tago, iyadoo la xusuusto in sannadkii lasoo dhaafay uu uga qayb-galay shir looga hadlayay xiriirka Jabbaan iyo Afrika iyo shir Soomaaliya loogu ururinayay dhaqaale.

Dowladda Jabbaan ayaa waxay sanadkii hore taageero siisay booliiska Soomaaliya, iyagoo sheegay inay Soomaaliya ka fulinayaan mashaariic kala duwan oo dhinaca horukmarinta ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya