4/19/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
RW Somalia oo sheegay in howlgallada billowday ay soconayaan
Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) — Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, C/weli Sheekh Axmed Maxamed ayaa xalay kulan ballaaran la qaatay saraakiisha ciidanka Qalabka sida ee dowladda Soomaaliya iyo ciidamada AMISOM, isagoo ugu hambalyeeyay guulaha ay kasoo hooyeen howlgallada ka socda qeybo ka tirsan gobollada Bakool iyo Gedo, kuwaasoo kooxaha uu sheegay in Al-shabaab looga sifeynayay magaalooyinka kala ah: Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo.

Kulanka oo ka dhacay xarunta guddiga Wadajirka ee xiriirinta howlgallada (Joint Operations Coordination Center) ayaa waxaa sidoo kale ka qaybgalay wasiirrada gaashaandhigga iyo amniga Qaranka, waxayna laga dhegeystay warbixinno ku aaddan howlgallada ka socda gobollada dalka qaarkood.

Gaba-gabadii kulanka ayaa ra’iisul wasaare Cabdiweli Sheekh wuxuu faahfaahin ka siiyay warbaahinta kulanka uu la yeeshay saraakiisha, isagoo xusay inuu ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM ugu hambalyeeyay geesinimadii ay muujiyeen iyo sida ay cadowga uga fara maroojiyeen degaanno ay ka mid yihiin: Xudur, Waajid, Rab-dhuure iyo Buur-dhuubo oo ka kala tirsan gobolada Bakool iyo Gedo.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan u sheegayaa in cadowgoodii sii daciifayo, ayna meesha ka baxday awoodoodoodii mid dhaqaale iyo mid niyadadeedba, ayna ku jiraan maalmahoodii ugu dambeeyay,” ayuu yiri ra’iisul wasaaraha oo tilmaamay in shacabka ku nool degaannada laga saaray Al-shabaab ay soo dhaweeyaan ciidanka xoogga iyo kuwa garabka siinaya ee AMISOM, lana shaqeeyaan.

Mudane C/weli oo sii hadlayay ayaa yiri: “Sababta Al-shabaab degaannadan looga saarayo waxaa weeye si looga dul-qaado shacabka Soomaaliyeed caburinta ay ku hayaan mar walba, sida: dilka, bara-kicinta iyo handadaadda.”

Ra’iisul wasaaraha ayaa xusay in xukuumadda Soomaaliya ay ka shaqeyneyso sidii gargaar bani’aadamnimo loo gaarsiin lahaa degaannadaas, ayna sidoo kale u heli lahaayeen adeegyadii aasaasiga ahaa sida waxbarashada iyo caafimaadka.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaruhu wuxuu baaq u jeediyay dhallinyarada u dagaalanta Al-shabaab, wuxuuna ka codsaday inay ka waantoobaan falalka liddiga ku ah diinta Islaamka iyo dhaqanka suuban, bulshadoodana kusoo laabtaan, isagoo u ballan-qaaday in dowladdu ay ku dadaali doonto inay helaan waxbarasho iyo farsamooyin ay ku dabbaraan noloshooda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya