4/20/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Mar 10, 2014
42 tahriibayaal Afrikaan ah oo xeebaha Yemen ay dooni kula degtey

Isniin, Maarso 10, 2014 (HOL) —Wasaaradda gaashaan-dhigga ee dalka Yemen ayaa shaacisay in xeebaha koonfureed ee dalkaas ay ku degtey doon yar oo ay 42 qof oo muhaajiriin Afrikaana ahi ay la socdeen.

Qoraal lagu daabacay mareeg interka ay wasaarddu ku leedahay, ayaa waxaa lagu sheegay in doontu ay ku qalibantay xeebta deegaanka Bi'ru Cali oo ku yaal gobolka dhaca koonfurta dalka Yemen ee Shabwa.

Ciidamada badda ee Yemen ayaa soo badbaadiyey ugu yaraan 30 qof oo dadkaas kamid ah, waxaana loosoo qaaday xero qaxooti oo ku taalla deegaanka Mayfacah. Mas'uul sare oo ka tirsan laamaha ammaanka ee Yemen ayaa warka ku saabsan doonida degtey u xaqiijiyey Wakaaladda AFP, inkastoo uu ka gaabsaday inuu faahfaahin dheeri ah ka bixiyo.

Tahriibayaal Afrikaan ah una badan Soomaali iyo Itoobiyaan oo kasoo cararaya faqriga iyo xasillooni darrada wadammadooda ka jirta, ayaa sannad walba soo gaara xeebaha koonfureed ee dalka Yemen, iyagoo kaddibna usoo ruuqaansada dhinaca waqooyiga, si ay ugu sii tallaabaan Sucuudiga oo Yemen ay xuduud dheer wadaagaan.

Hay'adda caalamiga ah ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha qaxootiga UNHCR, ayaa sheegtay in sannadkii 2012 oo keliya ay dalka Yemen gaareen 84,000 (siddeetan iyo afar kun) oo tahriibayaal afrikaana ah, dadkaas oo badankoodu nolol dhaanta midda ay dalalkooda ku haystaan ka raadsanayey dalka Sucuudiga iyo wadamamda kale ee Khaliijka.

Xigasho: AFP

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya